Xayaysiiska “Kaalay Daawo Maydhashada Shaydaanka”

0
456

Sannad kasta bisha September,  ayuu ka bilaabmaa diyaar-garowga waxa loogu yeesho dabaal degga sannadka cusub ee miilaadiga dalalka Yurub, Maraykanka iyo Austereliya. Goobaha loo dalxiis tago sida Huteellada ayaa iyana curiya sannad kasta arrimo yaab leh oo aan hore loo arag oo dadka soo  jiita. Sannadka 2018 waxay ay soo bandhigeen airimo kala duwan oo dhammaantood yaab lahaa.

Huteellada Five star ee dalalka Newsealand , Yurub iyo Maraykanka,  ayaa bilaabay sheeko aan hore loo arag oo xayaysiiskeeda oo warbaahin badan lagu daabacay “Kaalay soo daawo sida Shaydaanku u maydho”.” Come see how the devil bathes”.

Inkasta oo ay ahayd xayaysiis  haddana huteelkani waxa uu kasbaday in muddo bil ka yar ay is qoraan 400 kun oo qof,  kuwaasi oo doonaya inay soo arkaan harada shaydaanku ku maydho, waxaana uu ka qaaday lacag dhan 450 malyan oo doollar. Dakhligaasi waxa sabab u ahayd astaanta xayaysiiska ee uu gudbiyay iyagoo dadkaasi dhammaantood xiisaynaya.

Dalxiisayaashan ayaa la geeyay goobo webiyo ah oo dhammaantood aan weli si fiican loo fahmin oo mucjiso leh, waxaan ka mid ah webiga ku yaalla gobolka  Ohio ee  Maraykanka oo loo yaqaan “ webiga shaydaanka”, mid ku yaalla Newsealand oo loo yaqaan Haradii Jinka iwm.

Leave a Reply