Qisada : Sirtii Qarsoonayd ee Basaasada Rosario Ames! qaybta 1-aad

0
777

Subaxii hore ee  21kii bishii Febarwari sannadkii 1994,  waxay ahayd maalin fasax ah (Holiday), gabadha Rosario Ames waxay joogtay gurigeeda iyadoo uu weheliyo wiilkeeda yar ee 5  jirka ah Mr.Paul.   Subaxaasi ninkeeda Rick waxaa looga yeedhay xafiiska CIA-da oo uu ka ahaan jiray sarkaal ka hawlgala, taasina may ahayn mid caado ahaan jirtay in wakhtiyada fasaxa xafiisku u baahdo sarkaalkan.

Hooyadeed oo ahayd Miss.Cecilia, subaxaasi waxay huruday qolka martidda, waxayna ka timmi magalaadda Bogota ee dalka Colombia,  iyadoo aad ugu xiistay aragtida inanteeda Rosario iyo weliba codsi ay ka dalbatay  inanteedu inay u timaado.

Markii Jalaska Albaabka guriga ee dhinaca waqooyi  dhawaqiisu baxay, Rosario waxay ku jirtay qolka hurdada ee dabaqa sare, iyadoo hagaajinaysay, wakhtigaasi may filayn qofna inuu albaabka ku soo garaaco sidii ay ahaan jirtay. Markii uu qofka shaqaalaha guriga u tegay inuu ogaado qofka albaabka garaacaya, Rosario ayaa iyana dabaqa sare ka jaleecday waxayna aragtay inay taagan yihiin  nin iyo gabadh Uur weyn leh.

Rosario ayaa u soo degtay iyadoo doonayso inay salaanto isla markaana ogaato, markii ay u timmi waxay ka codsadeen inay dibedda ugu soo baxdo.

Labada qof  waxay markiiba u sheegeen inay yihiin hawl-wadeenno ka socda xafiiska FBI. Waxa kale oo ay intaasi u raaciyeen inay xidheen ninkeedii iyadoo loo haysto basaasnimo iyadana ay hadda xidhayaan sidaasna ay  ula socoto. Rosario cabsi iyo argagax ayay  is dhaqaajin kari weyday ayaa asiibtay, Waxay rumaysan kari weyday waxa horteeda ka dhacaya. Waxayna ka codsadeen inay raacdo iyadoo wax cabsi ah is gelin. Waxa kale oo ay ku wargeliyeen inay dahabkeeda iska furto oo ay  shandada gurigeeda kaga timaado.

Markiiba qolka martida ayay si degdeg uga toosisay hooyadeed iyada oo la socodsiisay inay si dhakhso ah u lebisato iyo weliba in ninkeedii la xidhay. Waxa kale oo ay hooyadeed fartay inay guriga iskaga baxaan isla markaana ay kaxayso wiilkeeda yar ee Pual oo ay labadooduba tagaan guriga gabadha ay walaalo yihiin ninkeeda oo aan sidaasi uga fogayn, tilmaamahaasi oo dhan markay bixinaysay waxay ahayd maxbuusad ay barbar taagan tahay gabadha ka socota xafiiska sirdoonka gudaha FBI ee Maraykanka.

Hooyadeed weedhahan aad ayay uga naxaday,  maxaa yeelay arrimahan lamay socon xataa in Rosario ninkeeda Rick uu ka sheqeeyo CIA.  Rosario ayaa guriga ka soo baxday iyadoo xidhan  jaakeet suuf ah.  Wiilkeeda yar ee Paul wuxuu isagoo werwersan ku sugayay  hoolka , markii ay soo baxday way ku dhegtay oo dhunkatay waxayna u sheegtay inay  dadkan raacayso laakiin ay dhakhso u soo noqon doonto. Waxay si xoog leh u xakamaysay nafteeda sidaa awgeed, muu dareemin wiilkeeda yari ilmadeeda.

Gabadha Rosario markii ay  dibadda u baxday ee ay albaabka gurigeeda xidhay, waxay ka war heshay in gurigooda  ciidan ku wareegsanaa. Gaadiid iyo rag sita qalabka isgaadhsiinta ayaa ku dhinac kasta taagnaa,  waddada iyo guriga hareerihiisa waxay ahaayeen sidii goob weerar lagu qaadayo.  Gabadh Uurka leh ayaa dhudhunka qabtay waxay u leexisay dhinaca gaadhigeeda oo ay saartay, waxayna ku tidhi : “Waxba ha werwerin” aniguba hooyo ayaan ahay sidaada oo kale, waan fahansannay, waxa aad ka fikirayso. Haddii aad si degan oo run ah noo caawiso oo noola shaqayso, wiilkaaga yar beri  ama maalinta ku xigta ayaad ku soo noqon doontaa.” ( La soco qaybo kale…………………

Leave a Reply