Hargeysa(Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeediyay talooyin dhawr ah oo ay ku tilmaameen in looga baahan yahay in ay xukuumadda cusubi ku tallaabsato,kuwaasoo ay ka mid yihiin in ay iska difaacdo isla markaana meel adag iska taagto faro-gelin ay sheegeen in ay Somaliland ku hayaan dawladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland.
Waxaa kaloo ay Xukuumadda ugu baaqeen in ay fuliso qodobbada heshiiskii xukuumaddii hore iyo wada gaadheen maamulkii Khaatumo iyo in ay degaannada gobolka Badhan iyo Buuhoodle in ay maamulka Somaliland ku fidiso oo ay wada gaadho dhammaan xuduudaha dalka oo dhan iyo in ay wax ka qabato Sicir bararka,musuq maasuqa iyo adkaynta nabadgelyada.
Xisbiga UCID waxaa kaloo uu ka hadlay guddiyo xisbi oo la hawl geliyay iyo guddi cusub oo ay magacaabeen.
Qodobbada iyo talooyinka uu xisbiga UCID soo jeediyay, ayaa laga soo saaray shir maalin qaatay oo ay yeesheen guddiga fulinta ee xisbiga mucaaridka ah ee caddaaladda iyo daryeelka UCID.
Shirka guddiga fulinta xisbiga UCID yeesheen kadib oo uu warbaahinta u akhriyay qodobbada kasoo baxay xoghayaha warfaafinta xisbigaas Yuusuf Kayse Cabdilaahi,ayaa intaa ku daray in xisbiga UCID uu isu diyaarinayo in uu dib isu habeeyo gudo iyo dibadba isla markaana kasbado taageerayaal badan.
“maanta(shalay) waxaa noo qabsoomay shirkii gudiga fulinta oo uu guddoomiyaha xisbigu isugu yeedhay waxaanu noo socday muddo 4 saacadood ah waxaana ka soo baxay qodobbo badan oo isugu jira kuwo xisbiga gudihiisa ah iyo kuwo xukuumadda cusub ku socdaba, qodobbada aanu dawladda kula hadalnayna waxay kala yihiin:
- In xukuumaddu ay ka shaqayso midayntii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
- in xukuumaddu ay dhammaystirto wada hadallada horyaalla ee Khaatumo.
3.in xukuumadda cusubi maamulka gaadhsiiso bariga Sanaag(gobolka Badhan) isla markaana xuduuda dalka wada gaadho.
- in xukuumadda cusubi iska caabido weerarka iyo faro-gelinta qaawan ee kaga imanaya dawladda Muqdisho iyo maamulka Garoowe.
- gudaha dalka in xukuumaddu wax ka qabato amniga,musuqmaasuqa iyo sicir bararka,”ayuu yidhi Xoghaye Yuusuf. Mar uu ka hadlayay qodobbada xisbigooda khuseeya ee shirkooda ka soo baxay ayuu yidhi.
“1. Shirweynihii xisbiga UCID waxaa laga dhigay 19,bisha kowaad ee sannadka 2019,ka.
- in la magacaabay guddi la yidhaahdo guddiga anshaxa sida xeerka xisbigu sheegayo oo dib u cusboonaysiin lagu sameeyay iyo in lamagacaabay gudi joogto ah oo xisbiga ah iyo in dar dar gelinta xisbiga gudo iyo dibedba si xisbigu u kasbado taageerayaal badan isla markaana ugu diyaar garoobo doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka oo sannadka dambe u muddaysan. Waxaa kaloo xisbiga UCID uu muddo kooban siinayaa xukuumadda cusub isagoo xisbigu diyaar u ah n uu qaato kaalintiisa mucaaridnimo.”
Dawannews Hargeysa office