Qisada: Filimka Barafka Cad!

0
1076

Walt Disney  wuxuu ahaa ganacsade iyo filim soo saare Maraykan ah oo ku dhashay sanadkii 1901 Chicago, wuxuu ka shaqayn jiray wargeysa dalkaasi ka soo baxa. Agaasimaha wargeyska ayaa shaqada ka eryay isagoo sheegay in aanu lahayn curinta fikrado cusub oo lagu horumarin karo wargeyska iyo sheekooyin mala awaal ah oo xiiso leh.

 

Laakiin Walt markii taasi ku dhacday muu quusan wuxuu go’aansaday inuu noqdo qof  leh curinta qisaska khayaaliga ee filimada laga sameeyo inkasta oo uu marar badan ku fashilmay .

Laakiin  Mr.Walt ugu danabaystii wuxuu curiyay sheekadii uu ku caan baxay ee filimka laga dhigay ee la odhan jiray Barafka Cad “ Snow White” .

 

Maanta Mr.Walt isagoo dhintay sanadkii 1966 haddana shirkaddiisa  Walt Disney Company waa tan  dunida ugu horaysa sheekooyinka khayaaliga ah ee la xiiseeyo filimadana laga sameeyo dunida oo dhan. Qofka aadmigu ma jirto waxaanu samayn Karin keliya waa dadaal iyo in aanu niyad jabin marka uu ku fashilmo.  Xikmaduna waa “ Marna Rajada gaadhideedu yaanay kaa lumin”.

Leave a Reply