Xikmadaha Maanta

0
859

Qofna ha ka malaysan xumaan , waxa laga yaabaa haddii aad akhriyi lahayd waxa ku jira uurkiisa, inaad ogaan lahayd inuu kula jecel yahay wanaag in ka badan inta kuwo badan oo aad ku kalsoontahay.

Wakhtiyada qaarkood noloshu waa sida biyaha, ma laha dhadhan, midab iyo ur midna, laakiin waxaynu ku khasban nahay inaan u cabno si joogto ah sida biyaha.

Ma jiro qofย  weligii khalad ku jiraa, waa wakhtiyo goโ€™an laakiin uma adkaysano.

Waxa wanaagsan inaad ka gudubto caqabadaha nolosha, si aad u gaadho wixii aad doonayso.

Ha raacin dariiq khalad ah weligaa ogow Wado toosan, Inkasta oo uu leeyahay cidhiidhi iyo dhibaatooyin.

Maaha ceeb inaynu nahay sabool, laakiin waxa xun inaynu noqono kuwo dib u dhacsan oo aan fikir lahayn oo ma gudbayaal ah.

Caqliga iyo carrabka waxa ka dhaxeeya xidhiidh iska soo horjeeda, mar kasta oo caqligu yaraado, carabka qofkuna wuu dheeraada wax kastana ku hadlaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here