Ciidamada Ruushka Oo Isticmaalaaya Markii Ugu Horeysay Taangi Noociisa Samays Cusub Yahay.

0
782

Ciidamada wadanka Ruushka ayaa bedelay qaabkii ay u samayn jireen taangiyadooda dagaalka sida lagu daabacay wargeyska Russian Times ee kasoo baxa wadankaasi oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan.

Waxaanay sannadkan 2018-ka markii ugu horreysay soo bandhigeen  qaabka cusub ee ay  u sameeyeen Taangiyadooda dagaalka qaybo kamid ah, iyada oo lagu rakibay hub cusub oo gantaalo ku jiraan.

Taangiyaddan oo waqtigan la soo saaray  10 Taangi oo hordhac ah ayaa lagu magcaabaa Terminator,, waxaana lagu sameeyey saldhiga lagu magcaabo T-90 Tank oo ah goob lagu sameeyo inta badan Taangiyadda ay isticmaalaan ciidamda wadankaasi Ruushku.

Waxa ku rakiban taangiyadan qoryaha lagu magcaabo Rifle-ka oo tiiro ahaan gaadhaya meel aad u fog, waxaanu dherer ahaan gaadhayaa 30 mm, waxa kale oo ku rakiban qoriga sida daran dooriga u dhaca oo isna dherer ahaan gaadhaaya 7.62 mm, gantaalka loo yaqaano Ataka oo lagu dilo taangiyadda kale ayaa isna ku rakiban, waxaanu isna gaadhayaa 30 mm,.

Taangigan cusubi waxa uu dagaalka ka geli karaa ilaa afar bartilmaameed, kuwaas oo ay ku jiran diyaaraddaha Helicopters loo yaqaano, gaar ahaana marka ay diyaaraddahaasi ku duulayaan duulimaadyada ay joogoodu hooseeyo.

Taangiyaddan ayaa ah kuwo guuxoodu hooseeyo, waxaanay si kedis ah usoo geli karaan dagaalku goobaha uu ka socdo, si fududna uu u dili karo taangiyadda kale ee cadowga, waxaana tijaabadiisa ugu horeysa uu ku qaadan doonaa wadanka Suuriya oo dhowaan la geyn doono.

Leave a Reply