Lawska Oo La Ogaadey Inuu Faa’iidooyin Caafimaad u lee Yahay Maskaxda iyo Jidhka.

0
577

Khubarro caafimaad oo ka tirsan maxadka Health and Science Institute ee dalka Canada ayaa caddeeyey inay jiraan faa’iidooyin badan oo uu lee yahay lawsku , kaasi  oo faa’ido u leh dhinacyada Maskaxda iyo jidhka.

Khubaraddan ayaa natiijadda ay soo saareen ku sheegay in faa’idada Lawsku ku xidhan tahay hadba sida uu u qaato ama u cuno qofka isticmaalaya Lawskaasi , waxaanay qoraal ay ku daabaceen wargeyska caafimaadka wax ka qora ee Health Eating  in qofka oo Lawska maalin walba cunaa uu faa’iidooyin badan ka helo Lawska.

Culimadan ayaa sheegtay in qofka cuna maalintii 23 midh oo Laws ah uu noqdo mid hela nafaqo dheeli tiran, waxa kale oo uu sheegay in uu helo qofkaasi Vitamin E, Calcium, Magnesium iyo Potassium, sidoo kalena waxa laga helaa  Protein iyo Gaska caloosha.

Dhinaca wadnaha ayay khubarraddu sheegeen in laga helo caafimaad badan, isaga oo yareeya khatarta wadne xanuunka , isaga oo badiya caafimaadka wadnaha, waxaana taas sabab u ah Magnesium badan oo ku jirta Lawskaasi.

Waxa kale oo uu ka dhigaa jidhka mid halkiisii taagan, waxaanu ilaalinayaa culayska jidhka qofka, iyada oo uu sidoo kalena  hagaajiyo dheef shiidka caloosha , waxa kale oo uu meesha ka saaraa macaanka oo uu la dagaalamo.

Leave a Reply