Hormadii u Horraysay ee Wasiirrada oo Maanta Golaha Wakiilladu u Codaynayo

0
409

Hargeysa (Dawan)- Hormadii ugu horraysay ee golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda madaxweyne Muusi Biixi Cabdi, ayaa maanta xildhibaannada golaha wakiilladu u ballansan yihiin in ay cod u qaadaan ansixintooda, waxaana gole weynaha hor iman doona 11 xubnood oo ka mid ah 32ka xubnood ee golaha cusub ee wasiirrada.

 

 

“Golaha wakiillada Somaliland, waxa loo soo gudbiyey 23 wasiir iyo 9 wasiir ku xigeen, sida uu sharcigu dhigayana waxa loo qaybiyey guddiyadii golaha, guddiyada intoodii badnayd way soo xaraysay, waanay la kulmeen wasiirradii, shuruudihii looga baahnaana way u soo gudbiyeen xafiiska shir gudoonka,” ayuu yidhi Xoghayaha golaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo la hadlay warbaahintu.

 

Cabdirisaaq ayaa intaas ku daray   in guddiyadii loo xil saaray ay shir guddoonka golaha wakiillada u soo gudbiyeen xogtii wasiirrada cusub, isla markaana ansixintooda loo sameeyey jidwal waxaanu yidhi;  “Shirgudoonku waxa uu ansixinta wasiirrada cusub u sameeyey jidwal ka kooban sadexda cisho oo kala ah Sabtida, Axada iyo Isniinta, oo maalinba qayb la ansixin doono wasiirrada.  Sabtida waxa la ansixinayaa 11 wasiir, Axadana 11 wasiir, Isniintana 10 wasiir, waana sidaas  qorshaha lagu ansixinayo wasiirrada cusub iyo ku-xigeenadooda.”

 

“Ilaa hadda wasiirro la celiyey ma jiraan, guddiyaduna intoodii badnayd way soo xareeyeen golaha ayaana xaq u leh inay diidaan iyo inay ogolaadaan, golaha ayaana la hor dhigi doonaa inshaa allaah,”ayuu yidhi Xoghayuhu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply