Xildhibaannada taageera qaddiyadda Somaliland oo London ku soo Dhaweeyey Wasiirka Khaarajiga

0
438

London(Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa la kulmay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, gaar ahaan guddiga isku-dhafka baarlamaanka Ingiriiska.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen xildhibaanno si dhow u taageera qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, kana mid yihiin Kerry McKarthy, Mike Gapes, Sir Henry Bellingham iyo Stephen Doughty, waxa  aoob-joog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta qaranka Mr Cawaale Ibraahim Shirwac.

Xildhibaan Stephen Doughty oo ka hadlayey kulanka ayaa farriin uu bartiisa twitter ku baahiyey ku sheegay; “Kulan jawi wanaagsan u dhacay oo lagu soo dhoweynayey dib-u-soo magacaabida Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaan si weyn uga hadalnay qorshaha mustaqbalka.”

Dhinaca kale, Safiirka Somaliland  u fadhiya dalka Ingiriiska,  Ayaan Maxamuud Cashuur oo kulanka ka hadashay waxay tidhi; “Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa kulankii xildhibaannada Ingiriiska kaga hadlay  doorashooyinkii dhowaan iyo horumarka.”

Danjire Ayaan Cashuur waxay intaas ku dartay  in Wasiir Sacad uu kulan la yeeshay ardayda reer Somaliland ee deeqaha waxbarasho ka helay jaamacada Ingiriiska. Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad oo muddada uu joogo Ingiriiska la filayo inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dalka ayaa 19 bishan ka qeybgali doona kulan machadka Daraasaadka Afrika ku martiqaaday oo uu kaga hadli doono doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo hawlaha ka dambeeyey.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply