Horamarku Waa Midhaha Dadaalka

0
1890

Dadka Hamiga sare leh waa kuwo tiro yar oo kooban kuwaasi ayaana dunida wax ka bedela. Thomas Adison oo ahaa ninkii soo saaray laambada laydhka wuxuu ahaa yaraantiisii wiil yar oo su’aalo badan. Thomas markii lagu daray dugsiga nasiib daro mudo badan kuma sii jirin dugsiga, Wax kasta oo loo dhigo wuu iloobi jiray sidaa daraadeed wuxuu ahaa ardayga ugu danbeeya fasalka. Macalimiinta ayaa ka quustay waxaana ay ka soo qaadeen inuu yahay qof  yar oo aan maskax ahaan dhamayn.

Ardayda iyo macalimiintuba waxay u arkayeen saaqid.   Markii danbena maamulka dugsiga ayaa ka eryay dugsiga ka dib markii ay ku eedeeyen inu yahay mid caqli gaab ah oo u baahan dugsiyada dadka naafada caqliga qaba. Waxa uu u tegay hooyadii isagoo ooyaya. dadaalka ugu badan hooyadii ayaa u gashay oo wax bartay markii ay akhriday warqadii loo soo dhiibay.

Markii uu toban sano gaadhay aabihii ayaa u keenay Buug cilmiga sayniska ah oo wagaasi la dhigan jiray. Waxaana u arkay guul madaama aqoontii saynis ee la gaadhay ku qorayd.

Waxa uu samayn jiray tijaaboyin kala duwan, isagoo lacagtiisa ku iibsan jiray kolba qalabka uu u vbaahdo.  Qoyskooda oo sabool noqday awgeed wuxu goostay isagoo 12 sano jiray inuu shaqo ka dhigto jaraa’idka oo uu ku iibiyo Tareenka dhexdiisa. Ujeedada ugu weyni ee uu laha waxay ahayd inuu si fudud u helo wargeysyo uu ka akhristo hadba waxa cusub ee  so baxa. Tareenka dhexdiisana wuxu ka samaystay shaybaadh gaar ah.

Tareenka ayaa maalin goob duqeeyay waxaana wada daatay agabkii kala duwanaa ee uu ku kaydiyay kimikada uu tijbaada ku sameeyo. Maamulka Tareenka ayaa ka eryay tareenka iyagoo albaatiisana ku amray inuu ka gurto.  Ninkaasi waa Thoams Adson oo ah ninka ikhtiraacay laambada laydhka meel kasta ka ifaysay dunida maanta. Waxa uu ahaa nin Maraykan ah oo noola 1847- 1931. Waxaana uu yidhi “Hibadu  caqligu waa 1%, laakiin 99% waxa uu qofku ka gaadha dadaalka uu la yimado.

 

Leave a Reply