Siyaasad Ayuu Qof Kasta Ku Qanciyay!

0
840

Nin Yuhuudi-Ruush ahย  ayaa ka dhoofayayย  madaarka Mosco, badhaaha Kastamka ayaa dharkiisa ka soo dhex saaray sanam yar, waxaana uu weydiiyay โ€œ Muxu ahaa waxani โ€œ . Yuhuudiga ayaa ugu jawaabay โ€œ Ha odhan sidaasi, Ninkani waa Lenin , waana hogaamiyihi shuuciyadda khayrka iyo barwaaqada horseeday , waxaan u sitaa inaan ka barakaysto mar kasta oo aanan weligay ilaabinโ€.ย ย  Baadhaha ayuu hadalkaasi dareen ku reebay waana uu sii daayay isagoo ku yidhi waa sax iska soco.

 

Markii uu ka degay Madaarka Talabiid ee Israaโ€™iil ayuu haddana baadhihii kastamka dharkiisa ka soo dhex saaray sanamkii yaraa waana uu ku yidhi โ€œ muxu ahaa waxniโ€. Ruushโ€“Yuhuudiga ayaa ugu jawaabay โ€œ Miyaanad garanayn, waa Lenin waa denbiilihi weynaa, waana kan Ruushka sababtiis ay u burburtay, waxaan u sitaa inaan wakhti kasta nacdalo oo habaaroโ€œ.ย  Baadhaha ayuu hadalkaasi ku sameeyay dareen waana usii daayay.

 

Markii uu gurigiisa tegayna waxa uu sudhay sanamkii yaraa gidaarka qolkiisa . Maalin ayay u timiย  gabadh uu adeer u yahay waxayna weydiisay sanamkan meesha sudhani muxuu yahay waxaana uu ugu jawaabay โ€œ Waa sanam yar oo aan gudihiisa ku soo qariyay 10 kg oo dahab oo aan kastamyada ku soo dhaafiyay iyadoon la iga qaadin wax cashuur ah โ€œ .ย  Siyaasadu waa arin keliya oo aad dadka siyaabo kala duwan ugu sharaxayso laakiin waxa muhiimย  ah in qof kastaa ku qanco sharaxaasi. Sida sadexdan qof ugu qanceen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here