Dawladda Somaliland oo Kaalmadii Caafimaad ee u Horraysay Gaadhsiiyay Tuka-raq

0
448

Tukaraq(Dawan)- Dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka bilowday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool daryeelka Bulshada kadib markii ciidanka qaranka Somaliland uu toddobaadkii hore kala wareegay ciidanka Puntland oo hore ugu soo xadgudtay gudaha Somaliland, halkaasna fadhiisin iyo kastam cashuureed kasamaystay.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Tukaraq gaadhsiisay dawooyinkii ugu horreeyay ee bulshada Tukaraq ay helaan taasooay dadweynaha deegaanka Tukaraq aad usoo dhaweeyeen.

Ku simaha isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobol Sool Dr Bile Maxamuud Cali   oo ay weheliyaan hawl wadeeno caafimaad ayaa kaalmada dawooyinka ah gaadhsiiyay xarunta hooyada iypo Dhallaanka Tukaraq ka dib markii wasiirka caafimaadka Dr Xasan Ismaaciil uu  amar ku bixiyay in xaruntaas la hawl geliyo oo ay daryeel caafimaad helaan hooyada iyo dhallaanka deegaanka Tukaraq.

Ugu horrayn waxaa halkaa ka hadlay  ku simaha isuduwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Dr Bile,ayaa yidhi. “socdaalkayagan imika aanu ku nimi Tukaraq waa kii labaad markii hore kormeer indho indhayn ah ayaanu ku nimi anagoo ku socona amar wasiir mar labaadkiina dawooyinkii ay ku shaqaynlahaayeen shaqaalaha xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Tukaraq oo wasiir Dr Xasanamar nagu siiyay in aanu gaadhsiino oo ay ku sii hawl galaan shaqaalaha xarunta caafimaad oo shaqaalihii iyohawl wadeenadii caafimaadna ay joogaan ayaanu soo gaadhsiinay si aanay dadka deegaanku u waayin dawooyinka ay u baahan yihiin gaar ahaan hooyada iyo dhallaanku oo ah nugul markasta u baahan in aanay waayin wixii ay dawo u baahdaan. Tanina ma noqonayso dawdii ugu dambaysay laakiin waa bilaw ka wasaarad caafimaad ahaanna kaalintadaya Tukaraq waanu qabanaynaa.”

Waxaa kaloo halkaa ka hadashay agaasimaha Cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood Fahiima Jaamac oo socdaalka ku wehelisay Isuduwaha,waxaanay tidhi.”doraadna waanu nimi maantana(shalay)waanu nimi amar wasiir ayaanu ku nimi markii ciidanka qaranka Somaliland la wareegeen  ee ay ammaan noqotay markii hore ee aanu nimiwaxaanuaragnay baahida dawo ee ay qabaan ee taalla magaaladaTukaraq,  markaa ka agaasime iyo isuduwe ahaan anagoo amarkii wasiirka fulinayna waxaanu cisbitaalkii iyo xaruntii wasaaradda ee Laascaanood ka soo qaadnay intii ugu horraysay ee xarunta caafimaadka Tukaraq ku sii hawlgelilahayd kol haddii shaqaalihiina ay joogaan waxaana imanaya Tukaraq Wasiirka caafimaadka oo dawooyin kale oo intan ka badan usoo wada laakiin intani waa horumarin iyo in shaqadu sii socot o oo hooyada iyo dhallaanku ay helaan adeegii caafimaad ee ay wasaaradda uga baahnaayeen.”

Dhinaca kale shaqaalaha iyo hawl wadeenada ka hawl gala xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Tukaraq ayaa si weyn u soo dhaweeyay  kaalmadada wooyinka ah ee wasaaradda caafimaadka Somaliland gaadhsiisay waxaanay sheegeen in aanay daryeel caafimaad bulshada u fidin kareen haddaan dawooyinka loo keenay aan la soo gaadhsiin waxaanay ballana qaadeen inay bulshada ugu adeegi doonaan.

Waxaa kaloo si weyn u soo dhaweeyay tallaabada xukuumadda Somaliland kula wareegtay Tukaraq iyo kaalmadadawooyinka ah ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ay soo gaadhsiisayba dadweynaha deegaanka Tukaraq oo sheegay in nabad gelyada iyo hirgelinta daryeelka bulshada iyo dawladnimadaba in ay baahi weyn u qabeen isla markaana ay garab taagan yihiin dawladdooda Somaliland iyo ciidanka qaranka ee ammaankoooda sugay.

Tukaraq,ayaa muddo waxaa gacantaku hayay oo dadweynaha deegaanka iyo gaadiidka u kala gudba Somaliland iyo Soomaaliyaba ku dhibaatayn jiray ciidan ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo halkaa ka samaystay kastam ay dadka baad kaga qaadaan isla markaana dadka ku tacadiyaan,laakiin todobaadkii hore ayay ciidanka qaranka Somaliland halkaa kala wareegeen markaas oo ay noloshii caadiga ahayd iyo xornimo ay dadku hawlahooda u qabsadaan u soo noqotay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply