Guddoomiyaha iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Boocame oo Gaadhay Laascaanood

0
490

Laascaanood (Dawan)- Guddoomiyaha degmada Boocame,  Faarax Cali Maxamed, oo hoggaaminayey wefti ballaadhan oo ay xubno ka ahaayeen taliyaha ciidanka qaranka ee jiidda degaanka Boocame ee gobolka Sool, Maxamed Khaliif Maxamed, cuqaal iyo waxgarad kale ayaa booqday magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha ciidanka qaranka ee jiidda Boocame oo u waramay wargayska Dawan,  ayaa sheegay in isaga iyo masuuliyiinta maamulka degmada Boocame ay ka soo laabteen hawlgal toddobaad qaatay, kaas oo la xidhiidhay xiisada dagaal ee ka soo cusboonaatay jiidda hore ee Jamhuuriyada Somaliland ay la wadaagto maamul goboleedka Puntland.

“Annaga oo ah maamul iyo ciidanba, waxaannu hawlgal ugu ambabaxnay jiidaheenna hore, kaas oo aanu kaga qayb qaadanayney ruqaansiga ciidammada qaranka ee xadka Somaliland la wadaagto Soomaaliya ee Yoocada, waxaanu noogu soo dhammaaday sidii ugu habboonayd, hawlgelintii ciidan iyo wacyigelintii maamulku dhankiisa ka waday ee degmada,” ayuu yidhi Taliyaha ciidanka  qaranka ee jiida Boocame.

Maxamed Khaliif waxa uu sheegay in ay magaalada Laascaanood kulan ballaadhan kula qaateen Sabtidii madaxda sare ee laamaha dawladda ee gobolka Sool iyo saraakiisha ciidanka qaranka oo uu hoggaaminayay taliye Nuux Taani.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey  in ciidammada qaranku ay wakhtigan ku sugan yihiin waddada looga leexdo laamiga degmada Boocame, halkaasi oo u jirta wax ka yar 40 km xadkii Somaliland la lahayd Soomaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply