Qiso: Naftaada Beddel Kadib Dunidda!

0
932

Boqor xukumayay dawlad ballaadhan ayaa maalin u baxay inuu soo kormeero magaalooyinka isagoo lugaynaya. Markii uu safarka ka soo noqday waxa bararay lugihiisa waayo wuxu marayay wadooyin cidhiidh ah oo dhib badan.

Isla markiiba wuxu soo saaray wareegto ah in dhamaan wadooyinka lagu goglo harag si aanay mar danbe u dhibin, mid ka mid ah la taliyaayshiisa ayaa soo jeediyay fikrada ka wanaagsan, oo ah in boqorka oo keliya lugihiisa loo sameeyo harag uu ka gashado waxa dhibaya si aanay mar danbe taasi ugu dhicin. Halkaasi ayay ka bilaabantay kabaha la xidhaa.    Haddii aad rabto inaad si wanaagsan u noolaato ha isku deyin inaad dunida bedesho, keliya isku day inaad naftaada bedesho, kadibna isku day inaad dunida dhamaanteed wada bedesho.

Leave a Reply