Maskii Hadyadda Siyaasadda Loo Bixiyay!

0
1831

Noocyada hadiyadaha madaxdu isu gudbiso ayaa qaarkood yaab leyihiin, hadyadu waxay wadataa farxad laakiin haddii lagu soo hordhigo xayawaan nool oo aanad hore u arag waxa kugu dhacaya naxdin bilowga hore, inkasta oo ay xiiso leedahay.

Sanadkii 1986 Madaxweynihii hore ee Maraykanka  Ronald Reagn ayaa booqasho ku tegay dalka Indonesiya gaar ahaan jasiiradda Baali, halkaasi oo uu wakhtigaasi degenaa madaxweynihi dalkaasi Soharto, waxaana uu halkaasi ku gudoonsiiyay hadyad ahayd xayawaanka ay u yaqaaniin Kodomo oo ah Mascagalay (Abeeso-lugalay), oo aan Maraykanka laga helin.  Waa xayawaan sida mascagalayda noocyadeeda ka mid ah, inkasta oo muuqaalkoodu isu wada dhow yihiin.

Waxaana xayawaankaasi  lagu meeleeyay beerta qaranka ee ku taal Washington, DC, ee dalka Mareykanka.

Dawladda Indonsiiya ayaa haddana mar kale sannadkii 1990, hadiyad taasi la mid  u dirtay madaxweyne xiligaasi George W. Bush, sababta ayaa ahayd in xayawaankan si weyn looga tixgeliyo dalka Indonesiya oo uu ka mid yahay hadyadaha ugu qaalisan ee qiimaha leh, lana siiyo qofka loo hayo tixgelinta iyo sharfat.

Leave a Reply