Xafladda Bandhiga Hirdida Lo’da!

0
769

Bandhigani  waa mid ka mid ah xafladaha dalxiisayaashu xiiseeyaan ee ugu caansan dalka Spain. Waa xaflada ugu muhiimsan soo dhowaynta dalxiisayaasha maxaa yeelay waxay socotaa muddo bil ah.  Mudadaasi ayay dalxiisayaasha caado u leeyihin inay arkaan lo’da dib galeenka ah oo ordaya isla markaana wareegayaa waddooyinka magaalada.

Dadka qaarkood oo xidhan dirays gaar ah ayaa Dibigaasi duurjoogta ah ee cadhaysan hor cararaya iyagoo haddana iska ilaalinaya in aanu dhibaato gaadhsiin.  Inkastoo aan ognahay ciyaaraha caanka ah ee halistu ku lamaan tahay ee dagaalka Dibiga iyo ninka, haddan kani waaba ka sii khatar badan yahay, maxaa yeelay Dibigani wuxu weerarayaa bulshada dhexdeeda oo dhan,

Waxaana dhacda in mararka qaarkood uu dibigani ku dilo hirdida ugu horaysay qof aan iskaba arkayn. Sidaa darteed goobaha Dibidan laga soo daayo waxa ka fogaada dhamaan dadka qalbiga jilicsan oo dhan, iyagoo bulshada kale ee diyaarka u ah inay ka qayb qaataan ay soo xidhaan dhar caddaan ah iyo midabo casaan ahi ku jiraan.

Dadka ka qayb galayaa waxay uga jeedaan qosol iyo madadaalo laakiin xayawaanada Dibida dhib badan ayaa haysata, iyagoo kolba qof ka cadhaysiiya eryada marka ay gaadhi waayaan haddana mid kale ilaa ay qaarkood daalaan oo iskaba fadhiistaan.

Leave a Reply