Wakhtiga Imtixaanka ay Gelayaan Ardaydii Dhacday Sannadkii Hore oo la Shaaciyey

0
358

Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, Mudane Daa’uud Axmed Faarax,  ayaa shaaciyey in imtixaankii shahaadiga ahaa ay  geli doonaan ardaydii dhacday sannadkii hore ee fursada la siiyey, isla markaana, wacad ku maray in ay sii xoojin doonaan la dagaalanka Qishka imtixaanaadka shahaadiga ah.

Guddoomiye Mr. Daa’uud oo shalay ka hadlayey munaasibad dhanka akhriska iyo qorista ah oo lagu qabtay dugsiga gaarka loo leeyahay ee Amaano ee magaaladda Hargaysa, wuxuu yidhi; “Walaalayaal sidaad ogtihiin waxbarashadii dalkeena waxa aafeeyey bahalka qishka ama eegashadda la yidhaahdo kaasi oo ka dhigay mid bilaa tayo ah oo ardaydii inoo soo baxday badankoodu ay ku liitaan wixii ay soo barteen. Haddaba anaga oo ka hortagayna masiibadaa qaran ee ku soo korodhay saaxadii waxbarashadda dalka ayaan waxan samaynay dedaalo aanu wax kaga qabanayno arrintaasi, sidaa darteed waxaan samaynay wacyigelin aad u ballaadhan oo dhanka warbaahinta aanu u marinay, tallaabadii xigtayna waxay ahayd in aan ilaalintii adkayno markii imtixaanka la galay,  taasina waxay keentay in arday badani dhacaan, sababta oo ah waxay isku halaynayeen ardaydu moobilada balaadhan iyo tignoolajiyadda.”

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Mr. Daa’uud ayaa sheegay in fursada dib imtixaanka loogu celiyey ardaydii dhacday aanay mar dambe samayn doonin, waxaanu yidhi,“Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Cabdilaahi Ibraahim habane ayaa markii ay dhicistii ardaydu badatay soo jeediyey in ardaydaa loo naxariisto oo fursad kale la siiyo, waxana ardaydii imtixaanaadkaasi dhacday loo furay afar bilood oo dib u kabis ah, waxana loo shaqaalaysiiyey macalimiin aad khibrad ugu leh dhanka dhigista duruusta. Haddaba waxan maanta fursadan uga faa’iidaysanayaa in aan iclaamiyo in aan ardaydaa dib u kabista loo sameeyey imtixaanka ka qaadi doono 28/01/2018, sidaa darteed waxan dhammaan ardaydaasi ugu baaqayaa in ay fursadaasi ka faa’iidaystaan. Waxa kale oo aan u sheegayaa ardayda iyo waalidiintaba in fursadani ku kooban tahay oo kaliya imtixaankii sannadkii hore oo kaliya ee aan kuwa danbe aan fursadan la siin doonin, sidaa awgeed waxan idin leeyahay ka digtoonaada qishka iyo in aad isku halaysaan qish iyo macalin idin luminaya oo aan dantiina ka shaqaynayn.”

Mr. Daa’uud ayaa ugu baaqay waalidiinta inay caruurtooda ka caawiyaan waxbarashadooda sidii ay ugu dedaali lahaayeen, waxaanu yidhi “Waxan waalidiinta iyo ardaydaba u sheegayaa in aan sii xoojin doono la dagaalanka qishka, dibna ugu dulqaadan mayno arday yar oo iska soo qaata moobilo badan oo uu waalidkii ka soo qaatay iyo macalin munaafaq ah oo ardayda ku tacliiminaya wado lunsan oo mugdi ka buuxo. Waalidiinta waxan kala dardaarmayaa in ay ilmahooda ka caawiyaan in uu casharadda qisho waayo taasi mustaqbalkiisii mugdi bay galinaysaa. Anga ka Daa’uud ahaan haddii aan wiilkayga qish u ogolaan lahaa waxa iiga wanaagsanaan lahayd aniga oo dhaawac u geysta, sababta oo ah ogolaanshaha qishka ayaa ka xun in aad disho, waayo markaan qishka ku saacido wuxu aafaynayaa ummad badan, tusaale ahaan; haddii uu wiilkaasi noqdo dhakhtar qish ku soo baxay waxa uu galaafan karaa bulshadda dhammaanteed. Waalidiinta waxan ku adkaynayaa in ay nagu saacidaan la dagaalanka eegashadda si qarankeenu u noqdo mid taabogalay oo meel sare gaadhay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply