Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay inay Diirrada Saarayso Wax-Soo-Saarka iyo Kalluumaysiga

0
367

Berbera (Dawan)-  Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  sheegay in xukuumadda cusub ay  dhiiri gelinayso  wax-soo-saarka gudaha sida beeraha iyo ka faa’iidaysiga Baddaha.

Waxaanu tilmaamay in  is-beddelka ku yimmi guud ahaan cimiladda adduunka uu si gaara u taabtay degaanka iyo xoolaha oo ay Somaliland bulsho ahaan iyo qaran ahaanba si weyn ugu tiirsan yihiin, si taas wax looga qabtana ay  qorshaynayaan sidii loo heli lahaa wixii lagu beddeli lahaa.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad uu xadhiga kaga jaray    dekedda Kalluumaysiga ee magaaladda Berbera oo dayac-tir iyo dib-u-habayn lagu sameeyay iyo sidoo kale toddoba doonyood oo ay hay’adda FOA ku wareejisay wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

Todobadaas doonyood  oo  dalka gudihiisa lagu farsameeyay gaar ahaana faraca Badda ee jaamacadda culuumta barashadda Badda ee magaaladda Berbera, isla markaana ay maalgelisay dawladda Norway iyadoo  mashruucaasi ay fulisay hay’adda FOA.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefti wasiirro ah oo  uu hogaaminayo oo shalay safar shaqo ku tegay magaaladda Berbera ayaa  sidoo kale waxay hudheelka Maansoor ee Berbera kaga qayb galeen munaasibad loo qabtay wareejinta doonyahaasi, isagoo kor meer ku soo maray dekadda Kalluumaysiga Berbera oo dayactir lagu sameeyay.

Waxa kaloo xafladaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka  socday dawladda Norway iyo hay’adda FOA, is-kaashatooyinka shirkadaha kalluumaysiga ee gobolka Saaxil, maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa  uga mahad celiyay dawladda Norway maalgelinta mashruucaasi iyo sidoo kale hay’adda FOA  ee iyadna fulisay mashaariicdan.

“Mashaariicdan ah in aan maanta (shalay)  la wareegnay 7 doonyood  oo dalkeena gudihiisa lagu sameeyay iyo dayactirka dekadda Kalluumaysiga Berbera lagu sameeyay, oo aad loogu baahnaa in aan  iyadna   maanta (shalay) daah-furnay.

Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa saaxiibadii hawshan nagala shaqeeyay  ee kala ah dawladda Norway  iyo hay’adda FOA oo hawshaasi fulinaysay, oo ah hay’adda aan inagu cusbayn oo hawlo badana wadanka inagala qabata, haddii ay tahay kalluumaysiga,  beeraha, xanaanadda xoolaha iyo shaqooyin kaloo badan, waanan uga mahad naqaynaa” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Waxa kaloo uu sheegay C/raxmaan Saylici, in siyaasadda xukuumadda cusub ay ka mid tahay dhiiri gelinta wax-soo-saarka gudaha sida beeraha iyo  kalluumaysiga, maadaama oo is-bedelka guud ee ku yimid cimiladda aduunka uu saamayn ku yeeshay xoolaha oo ay noloshadda bulshadda Somaliland si weyn ugu tiirsanaayd.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa meelaha aynu maanta aadka ugu baahanahay  in aan wax ka qabano, maadaama oo uu asal ahaan dhaqankeenu ahaa xoolo dhaqato,  xoolihiina aad maanta og tihiin is-bedeladda ka dhacaya cimiladda dunida iyo abaaraha is-daba jooga. Waxaana   muuqata in  xoolaheenii ay  aad u yaraadeen  dadkiina magaalooyinka ay ku soo qul-qulayaan, markaa waxa loo baahan yahay in magaalooyinka ay dadku culays saareen.

Siyaasadda xukuumadda  cusub ee arrintaasi ku waajaha-na waxay tahay in aad loo dhiiri geliyo wax-soo-saarka gudaha,  haddii ay tahay  beeraha  iyo haddii ay tahay Badda-ba. Waxaanan ugu baaqayaa ummadda reer Somaliland  ee shaqo la’aanta ka cabanaysa, waxyaabo badan oo ay qabsan karaan ayaa jira”.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa tilmaamay  in abaaraha is-daba jooga noqday oo saamayn togan ku yeeshay xoolaha dartood loo baahan yahay sidii bulshadda loogu jihayn lahaa wax kaloo Kaaba noloshoodda.

Xasan Gaafaadhi, ayaa ugu maha celiyay dawladda Norway kaalinteedda maalgelineed ee samaynta doonayahaasi iyo dib-u-habaynta lagu sameeyay dekadda kalluumaysiga ee Berbera.

Waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa maalgelinta ay bixisay dawladda Norway,  ee ay soo marisay hay’adda FOA ee lagu dhisay todobada doonyood, laguna dayac-tiray, laguna balaadhiyay  dekadda Kalluumaysiga ee Berbera.

Waxaynu og nahay in abaaraha is-daba jooga noqday dartood, la inooga baahan yahay in aynu tallo cusub iyo fikir cusub keenno, oo aynu ku jihayno dadkeena sidii wax kaloo Kaaba nolosha xoolo dhaqatadda loo abuuri lahaa”.

Geesta kale madax ka socday hay’adda FOA oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in hawshii samaynta doonyaha ay bar-bar socotay  xirfado la barayay kalluumaysatadii ka qayb qaatay hawshaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply