“Haddii uu Cirro Ogolaan Waayo Natiijadii 80-ka Kun Lagaga Helay, Waxa Iman Doonta in aanu Mar Danbe Waxba ka Noqon Dalka”

0
364

Hargaysa (Dawan)- Danjire Cawil Cali Ducaale,  ayaa  ugu baaqay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, inuu aqbalo natiijadii doorashadii 80-ka kun ee cod lagaga adkaaday ee ka qabsoontay Bishii November ee sannadkii hore, si aanu mugdi u gelin mustaqbalkiisa siyaasadeed. Waxaanu u soo jeediyey inuu ku daydo  geesinimadii Axmed Siilaanyo sameeyay doorashadii 2003-dii.

Waxa kaloo uu ka hadlay xiisada maamul-goboleedka Puntland ka wadaan xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.  Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay inuu ku dedaalo caddaaladda iyo sinaanta ummadda reer Somaliland iyo inuu bogsiiyo cid kasta oo wax tabanaysa.

 

“Masuuliyad baa saaran guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxman Cirro, waana laga guulaystay oo aqlabiyad xooga ah ayaa lagaga guulaystay. Way ina soo martay  doorasho codad yar lagu kala guulaystay, sannadkii 2003-dii doorashadii murrashaxii  Axmed Siilaanyo, wuxuu Daahir Rayaale kaga helay 80 cod,  berigaas Axmed Siilaanyo wuxuu geesinimo u yeeshay  in uu yidhi waa la iga helay doorashadii oo wuu aqbalay.

Qofka shaqsiga ahi, waa in uu ku xisaabtamaa in uu geesinimo u yeesho, marka laga guulaysto in uu aqbalo, taasi waxay keenaysaa in dadku ay ku kalsoonaadaan.  Axmed Siilaanyo kalsooni xoog leh ayuu ka helay berigaa. Murrashax 80 cod lagaga helay, oo si sharaf leh u aqbalay, xataa beesha uu ka soo jeedo ayaa sharaf heshay, waayo? Berigaa markii 80-ka cod lagaga helay Siilaanyo beeshii wadatay ee Bariga Burco,  suldaan  siyaasi iyo  walaa ganacsade ka hadlay ma jirin, ” ayuu yidhi Danjire Cawil oo shalay magaalada Hargaysa ugu warramay HCTV.

 

Wasiirkii hore ee Maaliyaddu wuxuu intaas raaciyey; “Waxaanay ahayd sharaf  iyo qiimayn keentay  kalsooni ah in uu mar danbe  Axmed Siilaanyo madaxweyne dalka ka noqdo iyo dadkeenna oo ka daalay siyaasad buuq ku dhisan, oo ku farxay murrashii 80 cod  aqbalay, beeshiisiina ku garab gashay, kuna aqbashay, oo qof  qudhi aanu hadal.”

 Mustaqbalka Guddoomiye Cirro:

Siyaasi Cawil waxa uu talo odaynimo  hawada u mariyey Guddoomiye Cirro uu kula taliyey inuu  taageerayaashiisa ku qanciyo in si aqlabiyad ah looga adkaaday, waxaannu yidhi; “Maanta 80 kun oo cod ayaa lagaga helay C/raxmaan Cirro, markaa waa in uu beeshiisa iyo taageereyaashiisaba u sheegaa in laga helay doorashadii, oo geesinimadii Siilaanyo yeeshay oo kale uu yeesho, oo aanu odhan sidan uu imika ku hadlayo, waan amaahiyay.

Siyaasadu maanta uun maaha  ee beritana way jirtaa. Haddii uu Cirro ogolaan waayo natiijadaa, uu weli ka hadlayo,  taageereyashii iyo odayaashii  beeshiisuna ay ka hadlayaan, waxaa iman doonta in aanu mar danbe dalka waxba ka noqon.”

 

 Muxuu ka Yidhi Tukaraq:

Waxa kaloo uu ka hadlay  xaaladda xiisada  ka taagan degaanka Tuka-raq ee gobolka Sool, halkaasoo ay dhawaan ciidammada qaranka Somaliland ku ruqaansadeen dhul ka  tirsan gobolka Sool oo laga kiciyey maleeshiyaadka Puntland, waxaanu yidhi;  “Dawlad kastoo Somaliland ka jirta  waajibaad ayaa saaran in ay xuduudaheeda sugto.  Tan imika ee Tukaraqna dalkeennii ayeynu ku jirnaa gudahiisii, meel aan maamulkeenu gaadhin  ayuu imika ciidankeenu gaadhay, xuduudeenana waa la sugi doonaa, waana hubaal taasi.”

Doorka Qurba Jooga:

Geesta kalena wuxuu ugu baaqay dadka qurba jooga ah ee u dhashay Somaliland in ay ka fogaadaan in ay ku milmaan colaadaha qabaa’ilka ka dhex dhaca bulshada,   “Dareennada qaarkood ee buuqa dalka ka abuuraya, dadkeena dibadda ayaa lug ku leh, oo lacag soo diraya, oo odhanaya salaadiineey hadla,  hebeloow hadal, oo aad moodo in ay wixii wanaaga ahaa ee ay dalka u qabteen, oo ay ku sharafan  yihiin oo ay ummaddu uu ducayn jirtay,  in ay maanta gubayaan.

Ummaddana ay u horseedayaan khasaare iyo iska hor imaad, iyo buuq siyaasadeed, iyagoo aaminsan in ay banaanka joogaan, oo xaasaskoodii iyo caruurtoodiiba banaanka u joogaan,” ayuu yidhi Cawil Cali Ducaale.

Muxuu kula Taliyey Madaxweynaha:

“Waxaan kula talinayaa madaxweynaha in uu wax walba ka horaysiiyo caddaaladda iyo sinaanta, jiritaanka ummaddana gacanta ku hayo. Dawladnimadda gebigeedaba hubka lagu  wadaa, maaha Taangiyaal iyo qoryo, waa fuleynimo. Marka ninkii kaasoo hor jeeday gurigiisa  aad ugu tagtid, waa in madaxweynuhu cid allaale iyo ciddii wax tabanaysa, guryahooda ugu tago, oo uu ka bogsiiyo waxay ka cabanayaan, oo albaabkiisu u furnaado, oo meelaha uu is leeyahay dareen fog ayaa yaalla uu tago, oo taasi ay u noqoto mid uu caadaysto,”ayuu yidhi Danjire Cawil Cali Ducaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply