Ciidanka Qaranka oo Fashiliyey Weerar Puntland soo Abaabushay

0
334

Tukaraq (Dawan)- Ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhigoodu yahay ee jiida hore ee degaanka Tukaraq, gaar ahaan aaga Godqaboobe, ayaa shalay subax fashiliyay isku day weerar oo ay soo abaabuleen Koox maleeshiyo ah oo ay gacan saar la leh  maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo u firxaday dhinaca Garoowe kadib markii ay ciidammadu dhirbaaxo kulul ku dhufteen.

Maleeshiyada oo uu watay nin la yidhaado  Faysal Falaalug oo ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa la sheegay in laga soo  abaabulay maamul goboleedka Puntland, si ay uga gacan siiyaan colaadda ay ka hurinayaan degaanka  Tukaraq iyo nawaaxigiisa.

 

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “Ma jiro wax dagaal ah oo dhex maray ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland, laakiin rasaas ay soo rideen dhawr gaadhi oo uu watey nin shacab ah oo reer Laascaanood ah oo lagu magacaabo Faysal Falaalug ayaa jirey, kuwaas oo ciidammada qaranka Somaliland jawaab ka bixiyeen, islamarkaana ma jiro  khasaare dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale wax maxaabiis ah oo lagu kala qabsaday halkaas.” Ninkan kooxdan watay ayaa  maamulka Garoowe ku eedeeyay inay kaga baxeen dagaalkii ay geliyeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply