Xukuumadda oo Joojisay Furitaanka Xarumaha cusub ee caafimaadka

0
295

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf, ayaa muddo lix bilood ah joojiyey in dalka laga furo goob caafimaad oo gaar loo leeyahay oo cusub.

Wasiir Dr. Xasan Ismaaciil, waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu  arrintaasi kaga hadlayay, kaas oo uu ku socodsiiyay Isu-duwayaasha gobollada ee wasaaradda Caafimaadka.

“Waxaa dadweynaha la socodsiinaynaa laga bilaabo maanta [shalay] oo taariikhdu tahay 11kii febaruary 2018 in la joojiyey furitaanka goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay sida, Cusbitaalo, Xarumo caafimaad, Farmasii iwm, ama xarumo lagu baranayo culuumta caafimaadka muddo lix bilood ah,”ayuu wasiirka caafimaadku ku yidhi qoraalka uu shalay soo saaray.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply