Somaliland oo Dalka ka Mamnuucday Adeegsiga Furaha Interneka ee Somalia

0
283

Hargaysa (Dawan)- Wasaaradda wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay in aan dalka laga isticmaali karin adeega Internet-ka ee loo yaqaano Top-Level-Domain SO, isla markaana looga wareego adeegyadda kale ee madaxa bannaan.

Sida lagu sheegay wareegto uu shalay soo saaray wasiirka isgaadhsiinta iyo Tgnoolajiyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay wargeyska Dawan, ayaa lagu sheegay in ay shirkadah Internetka ka reeban tahay adeegsiga Top-Level-Domain-ka ‘so’ cid kasta oo cinwaan ku lehna ay muddo bil gudaheeda kaga wareegto.

Wareegtadan wasiirku soo saaray ayaan lagu sheegin sababta keentay in ay shirkadaha, jaamcadaha iyo xarumaha ururadda ku amraan in adeega SO laga wareego.

Qodobadda amarka ah ee ay wasaaradda Isgaadhsiintu ka soo saartay arrintaasi ayaa u dhignaa sidan:

“Tixraaca dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 1aad, faqradiisa 1aad iyo xeer nidaamiyaha dhismaha wasaaradaha iyo hay’adda dawladda (Xeer LR 01/2018) ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray, una xil saaran qaranka Jamhuuriyadda Somaliland maamulidda adeegsiga isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Sidoo kale-na anaga oo ogsoon raadka uu ku yeelan karro isticmaalka Top-Level-domain-ka ‘SO’ qaranimadda iyo amdax banaanidda Somaliland, waxay wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadu soo saartay go’aamadan hoos ku xusan ee la xidhiidha Top-Level-Domain-ka ‘so’.

1: In ay ka reeban tahay adeegsiga Top-Level-Domain-ka ‘so’ cid kasta oo cinwaan ku leh internet-ka sida jaamacadaha, shirkadaha, baananka, ururadda maxaliga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka diiwaan gashan Somaliland.

2: Waxaa la farayaa mulkiileyaasha mareegaha internet-ka (websiteyadda) ee adeegsadda imika Top-Level-Domainka ‘So’ in ay muddo 30 maalmood ah kaga guuraan, oo ka bilaabmaysa 12/03/2018 una wareegaan Top-Level-domainadda madaxa bannaan ee aan cid gaarihi lahayn.

3: Markay dhamaato mudadda 30-ka maalmood ee qodobka labaad xusayo waxaa la xayiri/xanibi doonaa mareeg (website) kasta oo isticmaala Top-level-ka-Domain-ka ‘so’.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply