“Berberi Waa Somaliland ee Muqdisho Maaha Taladeedana Annaga Ayaa Leh” Guddoomiyaha Guurtida

0
302

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo maalmihii u dambeeyay ka soo yeedhayay madaxda dawladda Soomaaliya ee ciidamada Afrika Muqdiho ku waardiyeeyaan oo warbaahinta ka sheeganayay in Somaliland ay ka mid tahay dalkooda ay nabadayn kari waayeen isla markaana ka soo horjeestay oo qorsheyaasha dawladda Somaliland dalkeeda ku horumarinayso oo ay ka mid tahay heshiiska casriyaynta dekeda Berbera.

Guddoomiyaha oo ugu horrayn ka hadlayay jawaabta uu siiyay madaxda Xamar ammaankooda Afrika ku sugto,ayaa yidhi “Waar kala quusane aan isdeyno wavxba innagama dhexeeyaan e waddanka Somaliland anaga ayaa u talina una goyna Berberina waa Somaliland ee Xamar maaha, wax idinka quseeyaana ma jiraan ee aan kala badbaadno uun weeyaan.”

Guddoomiye Saleebaan waxaa kaloo uu ka hadlay sida madaxda Soomaaliya aanay ugu tudhin dadka ay u taliyaan isagoo ugu nasteexeeyay in ay dadkooda ka badbaadiyaan laynta iyo gumaadka joogtada ah ee ay ku hayaan isla markaana ka wantoobaan sheegashada dalka Somaliland oo aanay riyo ku nool ahaanin xaqiiqada ka fog.. “hadalkeena mar uun qoladaasi inay dhigaan ayaa wanaagsan, inagana kii jawaabaya cadho iyo caadifad yuu ku jawaabin, waar dalka anaga ayaa leh una tashaneyna ee raali noqda, dalkayagana difaaciisa waanu ka adag nahay, intii madaxweynahan cusub iyo raysal wasaarihiisu yimid ayay xaraaradu cirka qabatay, Xamar nabad haka dhaliyaan dadkii ay xukumayeenba laaye maxay xukumayaan? Dadkii ay xukumayeen Banbaano, Qunbuliyad, iyo xabad A47-na ayaa leysay waxay ka qaban karaana ma jiro, markaa waxaan leeyahay waar idin daynay ee na daaya, Illaahey haydin soo hadeeyo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply