Xildhibaan Cumar Sanweyne oo ku Baaqay In Loo Midoobo Faro-gelinta Soomaaliya

0
318

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha iyo Maaliyada golaha Wakiilada Somaliland Cumar Axmed Saleebaan Cumar Sanwayne ayaa ku baaqay in loo mideebo farogelinta qaawan iyo carqaladaynta ay dawlada Soomaaliya ku hayso heshiiska hroumarinta dekadda Berbera.

Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in aanay waxba u dhimi doonin warqada Soomaaliya u qortay ururka Jaamacada Carabta ee ay kaga soo hor jeedaan heshiiskii ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland Itoobiya iyo shirkada Dp World.

Waxaanu u soo jeediyay siyaasiyiinta ka soo hor jeeda heshiiska in aanay ku mashquulin siyaasada gudaha ee Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in loo midoobo danta qaranka Somaliland oo laga baxo ficiltanka dhaxdeena, wataas oo Soomaaliya ayaa dagaal inagu soo qaaday ayaan leeyahay dadka ka soo hor jeeda heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo Shirkadda DP World ee lagu balaadhinayo dekeda Berbera.

Indhihii caalamka ayuu ku soo jeediyay Somaliland warqada ay u direen Soomaaliya Jaamacada carabta waxba mayeeli karo maalgelinta lagu samaynayo dekeda Berbera”.

“Wasiirka arimaha dibada Somaliland warbixin ayuu sii yay golaha wakiilada xildhibaanaduna su’aalo ku saabsan ayay wax ka waydiiyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee kala saxeexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkadda DP World, waanu uga wada jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen”ayu yidhi xildhibaan Sanweyne.

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya aanay khusayn heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkada DP World ee lagu balaadhinayo dekeda Berbera.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawlada Soomaaliya makhusayso heshiiska ay kala saxxexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkada DP World ee lagu balaadhinayo dekeda Berbera.

Baarlamaanka Soomaaliya ma aha Baarlamaan la soo doortay halka Baarlamaanka Somaliland uu yahay mid ay shacabku soo doorteen”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply