Badhasaabka Gobolka Togdheer oo ku Dhawaaqay Xaalad Abaareed

0
360

Burco (Dawan): Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in xaalad abaareed ay ka taagan tahay dhamaanba degaamadda gobolkaasi, isla markaana loo baahan yahay sidii gurmad loola soo gaadhi lahaa bulshadda.

Waxaanu sheegay badhasaabka Togdheer in calaamado markhaati cad u ah jiritaanka abaarta ka taagan gobolka ay hadda muuqdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin biyo dhaamis ka socda degaamo badan oo gobolka ka tirsan.

Xamse Maxamed Cabdi, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ugu horayn waxa uu ka hadlay arrimaha nabadgelyadda magaaladda Burco gobolka-ba iyo iclaaminta xaaladda abaareedba.

Waxaanu yidhi “Xaaladda nabadgelyadda gobolku aad ayay u wanaagsan tahay, wax dhibaato ah oo ka taagana ma jirto. Hadda gobolka waxaa ka taagan xaalad abaareed, wakhti dhawayd waxaa jiray roobab yar oo qaybo gobolka ka mid ah ka da’ay, intaasina waxay ahayd wax aad u kooban oo 3 ama 4 tuullo ka da’ay.

Waxaan maanta (shalay) halkan ka sheegayaa in ay gobolka ka jirto xaalad abaareed, oo haddii aan ILLAAHAY (SWT) dhakhso roobka u shubin ay xaaladu maalina maalinta ka danbaysa ka sii darayso. Waxaa jirta in imika meello ka mid ah gobolka ay ka socdaan biyo dhaamis, waana calaamadaha ugu horeeya ee tilmaanta u ah in abaari ay gobolka ka jirto”.

Geesta kale badhasaabka Togdheer ayaa baaq qaylo dhaana u diray xukuumadda Somaliland, tujaarta ama ganacsatadda iyo hay’adaha caalamiga ahba in gurmad lala soo gaadho bulshadda abaartu haleeshay.

“Sidaas darteed waxaan halkan si buuxda uga shaacinayaa in gobolka abaari ay ka jirto, cid kastoo wax ka caawin kartana ay ka qayb qaataan. hay’adaha caalamiga ah iyo bulshadaba waxaan ka codsanaynaa in arrintaasi si degdeg ah gurmad loogu sameeyo”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Togdheer.

Dawannews Hargeysa office

 

.

 

Leave a Reply