Go’aamo Kama Danbays ah oo laga soo saaray Collaadii Ceel Afweyn

0
361

Ceel Afweyn (Dawan): Guddidii xalinta shaqaaqadii deegaanka Ceel-afweyn ku dhex martay labada beelood ee walaalaha ah golaha guurtidda iyo wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay shaaciyay in la dhamaystiray colaadii labada beelood hore ugu dhexmartay degaanka Darar-wene ee gobolka Sanaag.

Waxaana labadda dhinac ee dirirtu hore u dhexmartay loo kala qaaday lacag dhan $15000 oo dollar, taas oo la sheegay in ay tahay kharashkii ku baxay aaska 15 ruux oo ku geeriyooday colaadii labadda beelood iyo sidoo kale aduun lacageed oo dhamaa $20,000 dollar oo laga qaaday dhinac ka mida labadda daraf.

Munaasibadii gunaanadka shaqaaqadaasi waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, xubnihii ergadda dhexdhexaadinta ee ka socotay golaha Guurtidda Somaliland.

Sidoo kale waxaa iyagna goobta joogay culimaw-diin, xubno madax dhaqameed ah oo ka kala socday labadda beelood ee dirirtu dhexmartay, salaadiin iyo cuqaal ka qayb qaatay dhexdhexaadinta oo arrintaasi darteed uga yimid gobollo kale.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mida ergadda dhexdhexaadinta ee ka socotay golaha Guurtidda ayaa halkaasi ka akhriyay go’aamadda laga soo saaray soo af-jaridda dirirta labadaas beelood, oo ay ku lifaaqan yihiin qodobadii hore uga soo baxay guddiga hawsha nabadaynta waday, waxaanu yidhi “Waxaa la farayaa beelaha Baho iyo Idarays in ay isku celiyaan dhamaan ba wixii ay ku kala furteen dagaalkii Dararweyne, haddii ay Hub tahay iyo haddii ay duunyo kale tahayba.

Waxaana la farayaa in ay ku kala qaataan muddo 20 cisho gudaheed ah, kana bilaabmaysa 14/03/2018 oo maanta (shalay) ah. kuna eg 10-ka bisha afraad ee sanadkan 2018-ka.

Fiirro gaarra: Go’aankani waa lifaaqa koowaad ee go’aankii hore ee guddiga nabadayntu soo saareen. Kuna taariikhaysnaa 13-kii bishan 2018-ka.

Go’aankan fulin la’aantiisu waxay la mid tahay jebinta go’aamadii hore ee Guurtidu gaadhay, waxaana daba galka go’aamadan u xil saaran badhasaabka gobolka Sanaag”.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa madasha ka cadeeyay in dhinacii ku dhaqmi waaya fulinta qodobadaasi in tallaabo adag laga qaadi doono, isla markaana loo arki doono in ay yihiin cadowga nabadgelyadda.

Waxaanu yidhi “Waajibka idin saarani waxa weeye go’aamadaas in aad ku tallo gashaan, dhinacii ka soo hor jeestana in aynu mid u noqono, dabadeed-na kaasi uu inoo noqdo cadowga nabadgelyadda. Haddii ay si wanaagsan labadda dhinac u wada shaqeeyaan oo ay inala shaqeeyaa-na in aynu inagu-na si wanaagsan ula shaqayno”.

Waxa kaloo uu sheegay wasiirku in uu hayo liis ay ku qoran yihiin magacyadda xubno odayaal ah oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa nabadgelyadda ka soo hor jeedda, isagoo xusay in ciidamadu ay amar ku qabaan daba-galka cidii isku dayda in ay jebiso go’aamadaasi.

“Laba liis ayaan hayaa oo labadda dhinac ka kooban, oo aan dhalinyarro ahayn, oo wada waayeel ah, oo ragga nabadda ka soo hor jeedda ah. ciidamada-na liiskaasi ayaan siinayaa, daba gal ayaan ku samaynaynaa, arrintaana waan eegaynaa.

Arrinka aynu isku og nahay, ee arrintaasi ku gebagaboobaysaa waxa weeye, labadiina dhinac diyaar ma u tihiin in dhexdiina nabadgelyo ay ka samaysanto? Maxay anabdgelyadu ku imanaysaa? Waa in aad shaarubaha iska dhunkataan”ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.

Geesta kale maayarka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, oo isna gunaanadka shaqaaqo beeleedkan hadal ka jeediyay ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka labadda beelood in ay si qalbi furan u aqbalaan qodobadda la soo saaray.

Waxaanu yidhi “Reer Ceel-Afweyn waxaan leeyahay qalbiga maydaan furine, qalbiga furra, oo ducadda in aad qaadataan qalbiga u furra. Culimada-na waxaan leeyahay tii hore haddii la aqbali waayay, maanta (shalay) kordhiyoo liqsiiya”.

Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa ka codsaday labadda dhinac ee colaadu dhexmartay in ay isa-saamaxaan la iskana ilaawo wixii hore u dhexmaray.

Dhinaca kale boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow), oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in go’aamadda qadhaadh ee xalinta arrintan laga soo saaray cidii ka xad gudubta ay dusha u ridan doonto masuuliyadda wixii dhaca.

“Waxaanu doonaynaa in aanu idiin sheegno maanta (shalay) arrinkani oo idinkuna aad markhaati ka noqotaan in nabad taama aanu u qaadnay dadkani, go’aamadii ugu qadhaadhaa aanu qaadanay, oo cidii wax gaysataa ay masuuliyadeedda qaadi doonto, ciqaabkeedana ay yeelan doonto, oo maanta ay dhamaatay beel beel ku duusha iyo qof qof loo aaneeyo. Go’aamadaa adag xukuumadda iyo Guurtidda iyo intii noo timid ee xidheyaasha noo ahaana waanu isla qaadanay” ayuu yidhi boqor Buur-madow.

Ugu danbayn xubno isugu jiray madax dhaqameed ka soo kala jeeda labadda ardaa ee diritu dhex martay, culimaw-diin iyo wax garad oo hadallo madashaasi ka jeediyay waxay dhamaanba balan qaadeen in ay si hag-rasho la’aan ah uga soo baxayaan fulinta qodobadda laga soo saaray dhamaystirka colaadaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply