Xisbiga UCID oo Somalia ku Sifeeyay Cadawga Ugu Weyn ee Somaliland

0
370

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee caddaalada iyo daryeelka UCID, ayaa cadawga ugu weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamtay dawladda taagta daran ee Soomaaliya, waxaanay ku eedeeyeen dawladda Muqdisho ee aan iskeed isu maamuli Karin faro-gelinta joogtada ah ee ay ku hayso qaranka Somaliland.

Xoghayaha Xidhiidhka Gobalada iyo Degmooyinka ee xisbiga UCID, Cabdiqani Ibraahim Salaf, oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa dawladda Soomaaliya ee amaankeeda ay gacanta ku hayaan dawladdaha shisheeye, ku tilmaamay in ay tahay cadawga Somaliland, waxaanu ku baaqay in mucaarad iyo muxaafad ba la garab istaago heshiiskii saddex geesoodka ah ee ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada DP World ee lagu maalgalinayo dekeda magaalada Berbera.

“Somaliland cadawgeedu ugu wayni waa Soomaaliya, farta ayaanay dhexda ka qaniinsanyihiin, waana ay ku khalkhaleen heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada Dp World. Dacwada ay geeyeen Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika waxba inama yeelayso ee wax uun bay inoo taraysaa, waxaana aan aaminsanahay haddii mucaarad iyo muxaafad ba gacmaha lays qabsado oo la garab istaago maalgalintaa dekeda Berbera lagu samaynayo, qarankeenu horumar ayuu gaadhayaa, heshiiskii ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada Dp World, ka xisbi UCID ahaan, waanu taageeraynaa heshiiskaas, waxaana uu noqday heshiis caalamiya, waxaanu ka mid noqday wararka ugu culus ee dunida laga maqlo, waxaana wax lagu farxo ah in la falanqeeyo Somaliland, waxaana aan aaminsanahay in haddii heshiisyadan aynu hore u gali lahayn in la ina ictiraafi lahaa. Markaa Somaliland ictiraaf ayuu u horseedi karaa heshiiskaasi lagu maalgalinayo dekeda Berbera”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply