Hablo Yar-yar oo Qoysaskooda ku Masruufa Iibinta Biraha Iskaraabka ah

0
410

Laascaanood (Dawan) Hablo yar yar oo tiradooda lagu qiyaasay soddon gabdhood, da’dooduna u dhaxeyso sagaal jir ilaa saddex iyo toban jir, kana soo jeeda qoysas danyar ah oo ku dhaqan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Laascaanood, ayaa muddo sannad ah ka shaqeynayay ururinta biraha leyska tuuro (iskaraab) oo ay dib u iibiyaan, si ay ugala soo baxaan nolol maalmeedkooda.

Hablahani ayaa isu raaca koox koox, waxaana mid waliba qaadaa inta u dhaxeysa shan kilo ilaa 20-kilo oo biro ah, waxaanay dib uga sii iibiyaan haween ka ganacsada biraha Iskaraabka ah, kuwaasi oo u iibgeeya magaala xuduudeeda Togwajaale, birahaasi oo ka kooban kuwa gaadiidka laga badelo iyo hadhaaga waxyaabaha xumaaday.

Hablahan yar yar waxaa ku kalifay ururinta birahan iskaraabka ah duruufaha nololeed ee la dariska ah qoysaskooda, waxaanay hablahani u warrameen Radiyaha bini’aadamnimada ee Ergo.

Faadumo Isaaq oo ku jirta da’da 13 jirka, waxay ka mid tahay, gabdho yar yar oo muddo sannada ah nolosha qoysaskooda ka soo saarayay ururinta biraha, iyada oo muddo sagaal bilooda ay qoyskooda oo ka kooban lix qof ku biilineysay shaqadani, waxaanay tidhi iyada oo arrintaasi ka hadlaysay “Afar qof iyo saddex ayaanu isku raacnaa, birahan aroortii ayaanu doonaa, waanu soo ururinaa, xaafada ayaanu keenaa, haddana waanu sii qaadnaa, markaas ayaanu soo iibinnaa 40-kun ama 30-kun ayay na soo siiyaan, taasi oo biil u noqota qoysaskayaga, anaga oo mararka qaar geyna ilaa 25-kiilo iyo wax u dhigma”

Gabadhan yari shaqadan waxa ay bilowday kadib markii hooyadeed Muslimo Aadan oo u shaqeyn jirtay qoyskeeda tan iyo markii uu geeriyadooday carruurta aabahood sanad ka hor, ay iyana xanuunsatay, waxaanay hooyadani sheegtay inay nolol aad u qalafsan ay soo wajahday, waxaanay tidhi “Waan iska xanuusanayay in muddo ah, mana jiro wiil noo shaqeeyaa, gabadhan yar ee aan hooyada u ahey ayaa noo raadisa nolol maalmeedka qoyskayaga.”

Deeqa Xuseen Maxamed oo toban sanno jira, waxay kana mid tahay hablaha aadka u da’da yar ee nolosha qoysaskoodu ku tiirsan tahay ururinta birahani, waana gabadh yar oo caato ah, waxa ay qaada maalintii ku dhawaad toban kiilo oo biro ah, in ay culeyskaa qaadana waxa ay uga dhigan tahay inay helaan wax ay qoyskoodu quutaan, “Biro ayaan ururiyaa, gurigayagana waxaan ka baxaa siddeeda subaxnimo, birahaasi iskaraabka ahna waxaan ku soo qaada bac jawaan ah, waxaan geeya tuulo Qabax oo ka mid ah xaafadaha Laascaanood, ku dhawaad soddon kiilo ayaan dhabarka ku soo qaadaa, hooyadeyna waa xaamilo oo ma shaqeyso,” ayay tidhi Deeqa Xuseen.

Barwaaqo Maxamed Nasiib oo ah hooyada Deeqa dhashay waxa ay sheegtay inay qoyska iyadu u shaqo tagi jirtay, hase ahaate imika ay xaamilo tahay, isla markaana ay tahli kari weyday inay imika sii waddo hawlihii shaqo ee ay qoyska ku debari jirtay noloshooda, taasi ay tahay ta keentay in gabadheeda yari ay hawshan qabato “Anaa u shaqeyn jiray carruurteyda, imika iyada ayaa noo shaqeysa oo u weyn ubadkeyga, anigu markii hore dhulka ayaan nadiifin jiray, nolol maalmeedka qoyskeygana waan ka heli jiray, ubadka aabahoodna waa uu naga maqan yahay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply