Guddida Xakamaynta Qiima Dhaca Shilinka Somaliland oo Telesom iyo Somtel ka Mamnuucay Isku Belelka Dollarka Iyo Shilinka ee Mobile-Ka Guddihiisa

0
425

Dawan (Dawan)- Guddida heer qaran ee kor u qaadista Qiimaha Shilinka lacagta ee Somaliland, ayaa soo saaray awaamiir digniin iyo mahadnaq iskugu jira kaasi oo ay Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel oo bulshadda u qabta adeegyadda isku dirista lacagaha ee Mobile-da guddihiisa, waxaana guddidu ku amartay shirkaddahani inay mudo 12:00PM ee Caawa (Xalay) ku eeg  ku joojiyaan adeega lacagaha Dollarka iyo Shilinka Somaliland  Mobile-da guddahooda ay iskugu bedelaan ee EDAHAB Iyo ZAAD-ka.

Guddida heer qaran ee kor u qaadista Qiimaha Shilinka lacagta ee Somaliland oo ay ka mid yihiin  Xubnaha  Wasiiradda ee Xannaanaddaha Xoolaha, Ganacsiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland aanu weheliyo Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa Shirka Jaraa’id ee ay shalay Xarunta Baanka dhexe ee Hargeysa Saxaafadda kula hadleen, waxay  fariin uga direen Shirkaddaha Telesom iyo Somtel ee Adeegyadda ZAAD-ka iyo E-DAHAB-ka bixiya ee (Mobile-Money Transifers)-ka isticimaala, waxaana Nuxurka Warsaxaafaddeedka Shirkaddaha Isgaadhsiinta ay guddidani  u direen lagu amray in wixii caawa ka dambeeya 12:00PM -ka Habeenimo aanay shirkaddani Mobile-da guddahooda lacagaha Dollarka iyo Shilinka isku bedel ku samayn Karin, balse sida la faray kaliya  Adeegii Mobile-da lacagaha layskugu diri jiray ee ay bulshadda shirkadduhu siin jireen loo ogol yahay inay adeega lacagta shilinka laysku diro oo kaliya Mobile-da ugu adeegi karaan.

 

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiwali Cabdilaahi Jibriil isagu ka mida Xubnaha guddida heer qaran ee kor u qaadista qiimaha shilinka Somaliland  oo akhriyaayey warsaxaafaddeedka ay guddidu soo saartay ee shirkaddaha awaamiirta lagu siiyey bulsahddana farinta loogu diray waxa ay go’aamadda guddida ee wasiirku akhriyey u dhignaayeen sidan.

Guddida kor u qaadista Qiimaha shilinka ee lacagta ee Somalialnd ka dib Kulamo dhaadheer iyo fadhi badan oo la la galay shirkadduhu waxa laysla qaatay in shirkadduhu mudo 45 maalmood guddahooda ay ku diyaariyaan in adeega lagu diraayo lacagtu wixii $100 dollar (boqol doolar ka yar uu ahaado Shilinka Somaliland), mudadaasi oo ka bilaabmaysay 28/1/2018 kuna eekayd 13/3/2018aad.

Shirkaddaha isgaadhsiintu way diyaariyeen mudadii 45-ka cisho ahayd ee dawladdu u qabatay oo wax cabasho ahi kamay soo noqon , waxaanay mar walba guddida u sheegeen inay diyaar u yihiin fulinta go’aanka dawladda.

Markii ay soo dhawaatay 13-kii Bishu shirkadduhu waxay soo codsadeen 12/3/2018-ka in Adeega Isku Bedelka sarifka ee Hadhaaga $0-99 (Wixii Boqol Dollar ka yar) ee macmiisha Mobile-da ugu jiray ka hor 14/3/2018-ka, in Shirkaddaha loo ogolaado mudo kooban inay bixiyaan adeeg ah macaamiishoodu inay isku bedelan karaan lacagta ku jirta Mobile-ka dhexdiisa ee Dollarka iyo Shilinka oo waliba hal dhinac ay isku bedelan karaan oo qofkii uu ugu jiray Dollar uu Shilin u bedelan karo oo guddidu iyada oo tixgelisay dadka jooga meelaha fog fog sida tuulayaasha iyo Baadiyaha iyada oo tixgelisay in xafiisyadda uu Kuyuuyo iyo Safaf dhaadheer aanu dhicin, sida darteed waxay guddidu u ogolaatay Shirkaddaha Isgaadhsiinta inay macaamiishooda u bixiyaan ama ay u fidiyaan adeega isku bedelka doolarka laga bedelaayo ee shilinka loo bedelaayo Mobile-ka dhexdiisa taasi oo ka bilaabmaysay 13/3/2018-ka kuna eekayd 17/3/2018-ka. Waxaana ugu dambeysa caawa 12:00PM Habeenimo.

Guddidu waxay bulsho waynta reer Somaliland ku wargelinaysa in adeega isku sarifka Taleefonadda gacanta guddahoodu uu ku eeg yahay caawa 12:00 PM oo ah dhamaadka 17/3/2018-ka.

Gebo Gebadii guddida heer qaran eek or u qaadida Qiimaha lacagta shilinka ee Somaliland  iyo isticimaalka Shilinka Somaliland , waxay faraysa shirkaddaha maaliyadda iyo adeeg bixiyayaasha lacagtu inay u hogaansamaan awaamiirta dawladda ee lagu la dagaalamaayo Sicir bararka dalka Somaliland ka jira.

 

 

 

Leave a Reply