“Heshiiska DP World Wuu Fuliyaa, Arrinka Baarlamaanka Somaliyana Waa Hadal Layska Yidhi’’ Madaxweyne Muse

0
415

Dubai (Dawan)- Madaxweyne Muse biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska Somaliland iyo DP World uu fuli doono, isla markaana aanu khusayn codka Baarlamaanka Somalia ee ka dhanka ah heshiiskaa. Madaxweyne Muse Biixi oo Jimcihii shalay isaga iyo xubnihii la socday ay shir jaraa’id ku qabteen xarunta warbaahinta Dubai ee loo yaqaano Dubai Press club, waxa uu sheegay in ay Somaliland tahay dal ka madax bannaan Somalia, qaraarka Baarlamaanka Somaliyana waxa uu ku tilmaamay mid kaftan ama hadal layska yidhi.

Isaga oo ka hadlayey heshiiska waxa uu carabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay dawlad madaxbannaan iyo waddan dimoqraadi ah. Muse Biixi waxa uu intaa ku daray in heshiiska dalkiisu la saxeexday DP World iyo Imaaraadka Carabta ay fulin doonto xukuumaddiisu. ‘’Waxaan idiin xaqiijinaynaa in aanay Soomaaliya wax saamayn ah ku yeelan doonin heshiiska, gees kasta oo ay ahaataba’’. Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Isaga oo sii wada hadalkiisa waxa kale oo yidhi “waxaan leeyahay taasi waa wax lagu qoslo, xaqna uma laha, in ay fara geliso sida aanu u maamulayno dekeda Berbera’. Isaga oo sii cadaynaya mowqifkiisa waxa uu yidhi ‘’Waxaanu heshiis ku saabsan Dekeda Berbera la saxeexanay DP World iyo Imaaraadka Carabta, annaga oo ah dal madaxbannaan, waxaana fulin doonta dawladayada’’.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlayey hawlgalka heshiiska waxa uu sheegay in dekeda haatan la dhisayo, wejigii kowaadna socdo, waxaana la filayaa in lagu dhammeeyo laba sanno gudahood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Sacad Cali Shire, oo isna ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya aanu lahayn awood sharci ah oo ku saabsan Somaliland, isla markaana aaun u taagnayn dadka Somaliland.

“Maalgashiga DP World ee dekedda Berbera waa maalgalin horumarineed, taas oo muhiim u ah Somaliland iyo gobolka oo dhan guud ahaan. Somaliland waxay u baahan tahay dhaqaalaha iyo khibradda DP World, Itoobiya waxay u baahan tahay albaab kale oo ka baxsan Jabuuti,” ayuu yidhi Shire.

Heshiiskan oo saddex geesood ahaa oo la saxeexday horraantii bishan March, Itoobiya waxay heshay 19% saamiga qaybta DP ee Berbera, waxaanay sidaa u yeeleen si ay u ilaaliyaan ganacsigooda maadaama aanay Bad lahayn.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay go’aansadeen in ay wakhti ku lumiyaan si ay isugu dayaan in ay joojiyaan heshiiska aan la galay DP World, iyada oo heshiiskani yahay heshiis cid kastaa u baahan tahay, oo xitaa ay ka mid tahay Soomaaliya.

Ugu danbayntii Wasiirka Sacad Cali Shire waxa uu Maalgashiga DP World ee dekedda Berbera uu ku sheegay mid saamayn weyn ku leelanaya Somaliland, oo gacan ka geysan doonaa abuurista shaqooyin. Isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan gobolka oo dhami. Balse waxa uu intaa ku daray in aanu filaynin dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya ku doonaysay in ay isku hortaagto maal-gashiga shisheeye ee Somaliland. Iyada oo ay Somaliland xaq u leedahay in ay soo jiitaan maalgashi shisheeye.

Wafdiga ayaa la kulmay Shaikh Mansour Bin Zayed Al Nahyan, Raiisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada, waxaanay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan ammaanka, socdaalka, ganacsiga, dhaqaalaha iyo bulshada, iyo siyaasadda gobolka.

Madaxweyne Muse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in wafdigiisu ay si wanaagsan uga heleen in labada dhinac ay isku raaceen in ay siii wadaan iskaashigooda dhammaan dhinacyada ay ka wada hadleen oo dhan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply