Guddoomiyaha DP World oo Hadhimo u Sameeyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa

0
460

 

Dubai (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shalay gurigiisa ku booqday madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo. Iyaga oo wada qaatay kulan kooban oo ay kaga wada hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore xaalada guud ee Somaliland iyo halka ay marayaan mashaariicda dhaxal galka ah ee ay wadaagayaan dalalka Somaliland iyo Imaaraaadka Carabtu.

Waxaa kale oo kulankan lagaga wada hadlay safarka madaxweyne Biixi Cabdi ku joogo Imaraadaadka Carabta iyo waxyaabihii ka hirgalay qorshihii safarka weftiga. Waxa iyana lagu soo qaaday xidhiidhka labada dal iyo mashaariicdaha horumarineed ee ka socda Somaliland.

Dhinaca kale gudoomiyaha shirkada Dubai Port World (DPW) ayaa hadhimo sharafeed ku casuumay madaxweynaha iyo weftigiisa, munaasibadaasi oo lagu qabtay Jumeirah Emirates Towers Hotel ee magaaalada Dubai.

Marti qaadkan ayaa ahaa mid masuuliyiinta shirka Dubia Port World ku maamuuseen wufuuda ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, maaadaama shirkadani ay maalgalin ka samayn doonto Dekada ugu weyn Somaliland ee Berbera, iyo jidka isku xidhi doona Somaliland iyo Itoobiya ee Berbera Corridor.

Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah guddoomiyaha shirkadda DPW ayaa kualnkaasi ka dib sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu magaalada Dubai ku qaabilo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safarkiisii ugu horeeya ku jooga Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxaanu dul istaagay qiimaha ay leedahay maalgalinta dekada Berbera iyo sida shirkad ahaan ay uga go’an tahay in ay sii xoojinayaan iskaashiga ka dhexeeyay dawladda Somaliland iyo dhinacooda.

Waxa kaloo uu Madaxda shirkada DPW, waftiga Somaliland u sharaxey in mashaariicdii ay Somaliland ka wadeen ay kor u sii qaadi doonaa xidhiidhka istaashi ee ka dhexeeyay bulshada reer Somaliland iyo dawladoodaba.

Gabagabadii kulankana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda shirkada Dubia Port World uga mahad celiyay marti-qaadka ay u fidiyeen waftigiisa, waxaanu madaxweynuhu kala hadley masuuliyiinta shirkadan sidii ay u dardar galin lahaayeen mashaariicda ay Somaliland ka wadaan iyo waxyaabaha Somaliland u baahan tahay in wax lagala qabto.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply