Wajiga Labaad ee Tallaalka Jadeecada oo Berri Dalka Ka Bilaabmaya “Wajigii koobaad waxa lagu tallaalay carruur aad u badan Axadana waxa loo gudbayaa hawlgalkii labaad” Agaasimaha guud Waraysi gaar ah

0
392

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa soo gunaanaday wajigii koobaad ee tallaalka xanuunka Jadeecada oo ka socday magaalooyinka waawayn ee Somaliland iyadoo lagu tallaalay carruurtii ugu badnayd ee  hal mar tallaal wada qaata.

Waxaana loo gudbayaa wejigii labaad berri oo Axad ah dalka  ka bilaabmaya wajiga labaad ee tallaalka Jadeecada oo qorshuhu yahay in carruurta ugu badan ee ku nool miyiga dalka in lagu tallaalo.

Waxaa kaloo uu tallaalku ka socon doonaa degmooyinka leh deegaamo badan oo miyi ah oo ay kamid yihiin Balli gubadle,Gabilay Oodweyne iyo dhamaan degmooyinkala midka ah ee deegaamada Miyigu ku badan yihiin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cadbi Faarax(Xergeeye) oo waraysi gaar ah xalay khadkataleefankaku siiyay wargaeyska Dawan,waxaa uu sheegay in guul weyn laga gaadhay wajigii koobaad ee tallaalkacudurkaJadeecada isla markaanalagu tallaalay carruurtii ugu badnayd ee hal mar tallaal isku mid ah qaadata Somaliland oo dhan gaar ahaan magaalooyinka dalka,waxaani intaa raaciyay qorshaha labaad ee tallaalku u socon doono,waxaanu yidhi.”waxaa maalintii khamiistii soo gaba gaboobay wajigii koobaad ee tallaalka cudurkaJadeecada oo ka socday guud ahaan magaalooyinka  dalka oo dhan waxaana lagu tallaalay carruurtii ugu badnayd ee tallaal isku mid ah halmar amahal waji ku wada qaata,qorshaha labaad ee tallaalka wajigiisa labaadna waxaa uu bilaabmayaa maalinta Axadda ah(Berri) waxaanan diyaarinay kooxihii caafimaad ee ugu hawl karsanaa uguna badnaa ee miyiga dalka ka fulin lahaa tallaalka cudurka Jadeecada iyadoo qorshuhu uu yahay in ilmo kasta oo reer Somaliland  ah oo gaadhay da’da tallaalku in uu tallaal helo,waxaanu tallaalka wajigiisa labaad awooda saarayaa dhulka miyiga ah ee dalka oo dhan iyadoo uu ka socon doono dhammaan degmooyinka dhulka miyiga ah ku xidhan ee  deegaanada miyiga ah xukumasida Balligubadle,Gabilay, Oodweyne iyo kuwa la mid ka  ah,waxaana la wada tallaali doonaa dhammaan ubadka Somaliland ee miyiga jooga wajiga labaad.”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cadbi Faarax(Xergeeye) oo xalay u waramay wargayska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply