Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Kormeeray Jidka Berbera Corridor

0
319

Hargeysa (Dawan)- Maareeyaha guud ee dekeda Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin madaxa shirkadda DP-WORLD ee Somaliland iyo madaxda Kastamyada qaarkood iyo masuuliyiin kale, ayaa kormeer ku tegay gobolka Gabilay isla markaana soo indha indheeyay halka uu marayo jidka Berbera Corridor iyo barxadda weyn ee loogu talo galay in lagu kala wareejiyo alaabooyinka u kala gudbaya Somaliland iyo Itoobiya.

Maareeyaha iyo weftigiisu waxay kulamo la yeesheen maamulka gobolka Gabilay oo ay soo wada kormeeren Barxadda loogu talo galay in alaabooyinka lagu kala wareejiyo iyo jirdka Berbera Corridor, Maareeye Siciid oo ka hadlayay ujeedada kormeerkiisana waxa uu yidhi “waxaanu safarkan ugu soo baxnay si aanu xog ogaal ugu noqono waddada Berbera Corridor xaaladeeda iyo siday noqon doonto iyo kastamku siduu u shaqeeyo, maadaama heshiiskii waynaa ee Madaxwynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoogaaminayay aynu la galnay dalka Imaaraadka waxaa loo baahan yahay qaybihii ugu badnaa waxay ku hadhasan yihiin jamhuuriyadda Somaliland, waxa loo baahan yahay in aynu gacmaha is qabsano in waxa innagu dhiman aynu dhammaystirno hadday waddo tahay iyo hadday hawl kale tahayba oo aynu u midawno in aynu wada jir iyo iskaashi ku shaqayno.”

 

Maareeye Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “wadada waanu soo marnay ganacsatdana waan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aanu u wada hadalnay kulan wayn ayaanan wada yeelanay Berberina way dhismaysaa dhismaha Berberina wuxuu bilaw y yahay horumarka dalka waddaduna ay dhismaysaa.”

Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo isna ka hadlayay kormeerka weftigu ugu tageen isla markaana dul joojiyay barxadda weyn ee loogu talo galay in lagu dejiyo alaabooyinka u kala gudbaya dalalka Somaliland iyo Itoobiya,ayaa yidhi. “waxaanu idiin sheegaynaa in aanu diyaar u nahay gobol iyo degmoba hadday tahay dhanka nabad gelyada iyo hadday tahay dhulkii ay istaagi lahaayeen gaadiidku ee ay ku nasan lahaayeen alaabooyinka la kala wareejinayo dhulkii lagu kala wareejin lahaa oo ay dawladdu leedahay gacantayaduu ku jiraa oo runtii faa’iido weyn u tari doonta isu socodka ganacsiga labada dal.”

Waxaa kaloo weftiga Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland iyo weftigiisu ay kulamola qaateen ganacsatada reer Somaliland ee magaalada Wajaale iyo wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland oo maalmihii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay gobolka Gabilay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply