Golaha Guurtidda Oo Ansixiyey Xeerkii Kufsiga oo ay Shareecada Waafajiyeen

0
291

Hargeysa (Dawan)- Fadhigii Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu guddoominayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey laba xeer oo muhiim ah oo kala ah xeerka waxbarashada qaranka ee Xeer No:77 iyo xeerka kufsiga iyo ka hor-tagga xadgudubyada ka dhanka ah jinsiga ee Xeer No:78.

Siday werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Guurtiddu ay ansixiyeen xeerka waxbarashada qaranka iyo Xeerka kufsiga iyo ka hor-tagga xadgudubyada ka dhanka ah jinsiga oo ay labadaba ku sameeyeen wax ka beddel iyo kaabis.
Xeerka waxbarashada qaranka waxa ogolaaday dhammaan 47kii xildhibaan ee ka soo xaadiray fadhigan, cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin, halka xeerka kufsiga ay ogolaadeen 35 xildhibaan, 7 Mudane ay diideen, 8 xildhibaan oo kalena ka aamuseen, gudoomiyuhuna aanu codaynin labada xeerba sidaasi ayay ku ansaxeen.
Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Md.Naasir Aadan Beegsi ayaa u sheegay wakaallada wararka ee SOLNA in aqalka odayaashu ay shareecada islaamka waafajiyeen xeerka kufsiga isla markaana 20 sannadood ka dhigeen ciqaabta u sareysa ee xeerku jidaynayo.

Xigasho SOLNA

 

Leave a Reply