Xilkii Badhasaabka Gobolka Gabilay oo lala kala Wareegay

0
347

Gabilay (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta Cabdirashiid Ducaale Qambi,ayaa xilkii uu kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gabilay Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (indho-ballac) iyo Guddoomiyihii hire ee gobolkaas Maxamuud Cali Saleebaan Rammaax..

mi,munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee degmada Gabilay oo ay ka soo qayb galeen Wasiir Hawlaha gguud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, Madaxdhaqameed,xildhibaano heer qaran iyo heer deegaan,mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen,Culimo aw-diin Maamulka heer gobol iyo degmooyin ee gobolka Gabilay iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Munaasibadda oo qudbado kala duwan laga soo jeediyay ayay dhammaan hadalkii madax dawladeed iyo marti sharafba laga yidhi ay xambaarsanayd soo dhawaynta Guddoomiyaha cusub iyo sagootinta guddoomiyihii hore.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gabilay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,ayaa sheegay in uu ku shaqaynayay siyaasadda xukuumadda isla markaana uu fulinayay awaamiirta Madaxweynaha kuna faraxsan yahay xilka qaadistiisa taasoouu sheegay in ay ka mid tahay sunnaha dawladnimo. Waxaa kaloo uu intaa raaciyay in mudadii koobnayd ee uu gobolka joogay in wax badani ay u qabsoomeen oo ay ugu weyn tahay qorshaynta magaalada Wajaale iyo in dawladda lagu wareejiyo ceelal biyood oo dad gaar ah gacanta ugu jiray markii hore.

“waan soo dhawaynayaa xil ka qaadistayda waana waajib dastuuri ah oo uu Madaxweynuhu leeyahay xilkuna waa meerto waanan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha xil ka qaadistayda,muddo aad u kooban ayaan ahaa guddoomiyaha gobolka Gabilay,mudadaa aan joogayna waxyaabaha noo qabsoomay waxaa ka mid ah qorshaynta magaalada Wajaale oo ahayd waajib madaxweynuhu na faray oo aanu ka wada shaqaynaynay wasaaradda Hawlaha guud.”

Waxaa kale oo uu guddoomiyihii hore ee gobolka Gabilay uu u mahad naqay guud ahaan shacbiga Somaliland gaar ahaan bulshada lix goboloo uu badhasaab ka soo noqday. “waxaan aad ugu mahad naqayaa shacbiga Somalilad guud ahaan gaar ahaan bulshada lix gobol oo aan guddoomiye ka soo noqday oo ay si wanaagsan iila soo shaqeeyeen. Mudadii koobnayd ee aan gobolka Gabilay joogay waxaa noo qabsoomay waxyaabo badan oo ay ugu weyn tahay qorshaynta iyo nidaaminta magaalada Wajaale taas oo ahayd amar Madaxweynaha ka soo baxay oo aanu fulinaynay. Waxaa kale ooaanu ku guulaysanay mudadaa kooban ee aan joogay in biyihii Wajaale iyo Bixihii gabilayba aanu ku wareejino gacanta Dawladda annagoo fulinayna siyaasadda Madaxweynaha.”

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gabilay Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (indho-ballac) oo kelmado kooban iyo mahad naq ah ka soo jeediyay madasha uu xilkakula wareegay ayaa bulshada gobolka Gabilay ka dalbaday in ay sadex qodob kala saheeyaan una ballan qaaday in uu sinnaan iyo caddaalad kula shaqayn doono. “waxaan idinka codsanayaa reer Gabilayoow in aynu sadex qodob ka wada shaqayno sadexdaas qodob oo haddii aynu isla qaadano inoo horseedaya in aynu horumar gaadhno. Sadexdaas qodobna waxay kala yihiin. In aad igalashaqaysaan nabad gelyada oo ah halka ugu horraysa ee nafta aadamaha ahi y u baahan tahay in ay ku noolaato, waxaa ku xiga horumarka oo ah qodobkayga labaad sidaad ogtihiinna dawad cusub ayaa dalka ka dhalatay waxaanay uga qorshaysay miisaaniyadda qaranka qayb weyn oo loogu talo galay horumarinta dalka waana Xukuumaddii ugu horraysay ee horumarinta wax weyn u qorshaysay. Wuxuu yahay qodobka sadexaad een reer Gabilayow idinka codsanayaa waa caddaaladda oo ah midda suura gelinaysa in dadku wada noolaado oodhammaan walaalo ay wada ahaadaan, waxaan idinka codsanayaa haddii walaalkaaqaldan yahay in aanad caddaaldakalabaxsan ee aad hor keento ood soo qabato ama soo sheegto isna xuquuqdiisa loo illaaliyo haddii uu dambi galayna sharciga loogu maro wuxuu mutaystay haddii walaalkaa oo aan dambi lahayn la eedeeyana waxa lagaaga baahan in aad ogaato haddii aanu dambi lahayn in aanu sahrcigu xaqdarro saarayn ood ku kalsoonaato markaan sadexdaa qodob oo nolosha aadamaha u ah aasaaska jiritaankiisa aynu kawada shaqayno ayaynu meel wacan gaadhaynaa,Madaxweynahana waan uga mahad naqayaa xilka uu ii igmaday guud ahaan bulshada gobolada Gabilay iyo Saaxil ee munaasibaddan ka soo qayb galayna waan u mahad naqayaa.”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha SomalilandMaxamed Muuse Diiriye oo isna kelmad kooban ka yidhi munaasibadda ayaa sheegay in ay muddo badan soo wada shaqeeyeen Guddoomiyihii hore Maxamuud Cali saleebaan hawlo bandanna uu ka soo qabtay lix goboloo uu ka soo shaqeeyay isla markaana ay farxad ku sii sagootiyayaan,waxaa kaloo uu soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (indho-ballac).

Ugu dambayna waxaa labada masuul xilkii u kala wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo sheegay n guddoomiye Ramaax muddadii koobnayd ee uu gobolka Gabilay joogay in ay si fiican u wada shaqeeyeen isla markaana uu wax wayn kaqabtay hannaanka qorshaynta degmada Wajaale

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply