Xukumadda oo ka Hadashay Dhalinyaro Afduub loogu Haysto Puntland

0
304

Hargeysa (Dawan)- Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horaysa ka hadashay laba dhallinyaro oo muddo ka badan toban cisho afduub loogu haysto deegaan hoos yimaada Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya .

Wasiir ku xigeen Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay telefashanka maxaliga ah ee ERYAL TV , ayaa sheegay in ay dawlad ahaan ka war qabaan labada dhallinayar ah ee lagu haysto maamulka Puntland “ Ubadka halkaa ku xidhan hawshooda waa lagu jiraa waa lala socdaa waana lasoo dayn doona “ ayuu yidhi.

Dhallinayarada oo magacyadooda lakala yidhaahdo Cali Axmed Maygaag waxa uu adeer yahay Xamse tima-cade ayaa muddo toban cisho afduub loogu haystaa degmada Eyl sida ay sheegeen waalidiinta caruurta oo la hadlay Wargeyska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply