Xukuumadda oo ku Dhawaaqday in ay Dalka ka Bilaabayso 27 kun oo Saacadood oo Beer Qodaal ah

0
264

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somalilandayaa ku dhawaaqday tirada beeraha ay u qodayso qoysas reer Somaliland ah iyo gobolada ay ka bilaabayso,hawshaas oo la fulin doono todobaadkan gudihiisa.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in 9 kun oo qoys oo beeralay ah loo qodi doono beeraha isla markaana saacado is leeg loo qodi doono iyadoo laga hirgelin doono gobolada dalka.

Beeralayda qodaalka loo samaynayo ayaa u badan dadkii Abaaruhu saameeyeen, iyada oo dhaqaalaha loogu qodayo beeruhu uu ka yimi qaadhaankii bulshada laga ururiyey ee ay gacanta ku hayeen guddidii ka soo kabashada abaaraha ee Madaxweynuhu kala diray .

Wasiirka Seed, ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu yidhi “Tirada guud ee qodaalka saacadaha beeralayda loo qoondeeyey in loo qodo xilligan Guga waxay tiradoodu dhan tahay 9,000 (Sagaal Kun) oo qoys, Waxaana qoyskiiba loo qodayaa 3 Saacadood, taasi oo isku geyn noqonaysa 27,000 (Todoba iyo labaatan kun) oo Saacadood loona qodi doono Beeralayda Gobolada iyo degmooyinka dalka, taasi oo dhaqaalaha lagu qodayo aanu ka helnay guddida ka soo kabashada Abaaraha”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi “Wasaaradda horumarinta beeruhu waxay caddaynaysaa in Gobolada Maroodi-jeex, Togdheer, Saaxil, Awdal, Gabiley, Hawd iyo Daadmadheed qodaalka beeruhu uu ka bilaabmi doono 10 April 2018. Gobolada Saraar, Sool iyo Sanaag uu ka bilaabmi doono maalinta Arbacada ah ee 11 April, 2018, Haddii ALLE ka dhigo, waxaanay Wasaaradda Horumarinta Beeruhu hore u diyaarisay magacyada beeralayda loo qodayo saacadahaasi.

Wasaaradda beeruhu waxa ay diyaarisay shaqaalihii ka hawlgalayey goob kasta oo shaqada qodaalka laga fulinayo, si loo dar dar galiyo loona hubiyo habsami u socodka shaqada beeralayda loogu adeegayo”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaradda Beeruhuna qodaal ku samaynayso Sadex Goobood, waxaanu yidhi “Wasaaraddu sannadkan waxa kale oo ay qodi doontaa Saddex goobood oo kala ah Wajaale, Xaaxi oo Oodweyne ka Tirsan iyo Deegaanka Beer oo Togdheer ka tirsan, waxaananu rejaynaynaa inaanu wax soo saar balaadhan ka samayno”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply