Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo Xilka la Wareegay

0
330

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha cusub ee uu dhawaan madaxweynaha Somaliland u magacaabay guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Nuux Maxamed xuseen iyo xubnaha guddigaasi ee iyana dhawaan la magacaabay ayaa shalay xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore iyo xubnaha guddigaasi.

Munaasibadda xil wareejinta oo ka qabsoontay hoolka shirarka ee hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaaladda Hargaysa, waxa ka soo qayb galay wasiirro, masuuliyiin isugu jiray xildhibaano, ka kala tirsan golaha Wakiiladda iyo golaha degaanka Burco iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyihii hore ee guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Shariif Abokor Dhuux Yare, ayaa ka hadlay xafladda uu xilka ku wareejinayay, waxaanu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu jagadaasi hayay. Waxaanu xusay in uu si niyad sami ah xilka ugu wareejinayo guddoomiyaha cusub iyo xubnaha kale ee guddiga qandaraasyadda ee madaxweynuhu soo magacaabay, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha cusub ee uu madaxweynuhu soo magacaabay iyo xubnaha kale ee guddiga qandaraasyadda, waanu soo dhawaynaynaa. Si wanaagsan ayaananu xilkii aanu haynay iyo wixii naga khuseeyaba aanu ugu wareejinaynaa. Xil ka qaadistu waa sunnaha dawladnimadda, mana jiro qof shaqadda isagu iska leh”.

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa balan qaaday in uu xilka u gudan doonno si daacad ah, isla markaana ay dhamaanba bulshadu u sinaan doonto.

“Waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo xilka ii magacaabay. Madaxweynaha iyo bulshadaba waxaan u balan qaadayaa in aan si cadaalad ah xilka u gudan doono, aniga iyo xubnaha kale ee guddiduba.

Waxaanan balan qaadayaa in aanan nin jeclaysi ku shaqayn doonin, oo loo sinaan doonno mashaariicda dalkoo dhan min Bari iyo Galbeed”.

Mudane Nuux Maxamed Xuseen waxa uu intaasi ku raaciyay “Waxa kaloo aan u mahad celinayaa guddoomiyihii hore ee guddiga qandaraasyadda qaranka Shariif Abokor Dhuux Yare, oo si niyad samiya ii soo dhaweeyay, xilka-na iigu wareejiyay”.

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Hinda Jaamac Xirsi, oo xafladaasi ka hadashay ayaa guddoomiyihii hore ku amaantay sidii wanaagsanayd ee uu shaqadda u soo gutay, kuna tilmaantay nin waayo arag ah aqoon yahana ah.

Waxaanay wasiirku sheegtay in uu si niyad samiya ku wareejiyay xilka, isla markaana uu og soon yahay in xilka qaranku meerto yahay, wax cadho ama colaad ahna aanu ka qabin xil ka qaadistiisa.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka mida golaha degaanka Burco oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ku tilmaamay guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka masuul ka soo bixi kara shaqadaasi. Waxaanu yidhi “Markii hore heer gobol iyo heer degmo ayuu ahaa, laakiin imika heer qaran ayuu noqday guddoomiyaha cusub. Waan uga mahad naqaynaa madaxweynaha xilkaa uu u magacaabay Nuux Maxamed Xuseen.

Dhinaca kale dhamaanba masuuliyiintii kale ee xafladaasi xil wareejinta hadalka ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda xilka cusub ee loo dhiibay. Waxaanay ka markhaati kaceen in uu yahay nin shaqadaasi ku haboon.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa xilalka u kala wareejisay guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka uu dhawaan madaxweynuhu u soo magacaabay Nuux Maxamed Xuseen iyo guddoomiyaha hore.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply