Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa murugada la qaybsaday qoys danyar ah oo Hargeysa roobkii dorraad galinkii dambe illaa habeenimadii ka da’ayay ay qaadeen oo laba carruur ahi kaga geeriyoodeen.
Qoyskan danyarta ah oo degenaa xaafada qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe oo ku jiray guri sandaqad ah oo ay laba illaa sadex cisho ka hor ay kiraysteen ayuu daadku qaaday, waxaanu la tegay daadku Hooyada qoyska iyo laba carruur ah oo ay midna xambaartay midna ay gacanta haysay oo wiil iyo gabadh ahaa.
Markii qoyskan masibadu ku dhacday ee qaddarka ALLE haleelay waxaa gurmad ugu tegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana la qaybsaday murugada haleeshay oo ay laba ubad ahi isla markiiba ku geeriyoodeen, waxaanu Madaxweynuhu Aabbaha qoyskan geeriyaysan uu ka tacsiyeeyay shilka daadku keenay ee geerida sababtay, waxaanu qoyskan iyo dadkii kale ee soo gurmaday uu kala qayb qaatay baadi goobka ilmo yar oo ka mid ahaa labada carruurta ah ee geeriyooday ee daadkuu qaaday oo aan la helin iyadoo baadigoobka raq iyo ruuxba Madaxweynaha qaranku gurmadkaa ka hawl galay.
Waxa kale oo uu qoyska u sheegay in aan qaranku waxba kala hadhayn wixii qadar ALLE keenana loo baahan yahay in lagu samro oo aan laga hor iman.
Aabbaha qoyskan Axmed Qorane ayuu Madaxweynaha Somaliland ku waaniyay in aan la dhaafi karin wixii ALLE qoray isla markaana qarankiisu uu garab taagan yahay oo aan waxba lagala hadhayn, waxaanu Madaxweyne Muuse u duceeyay oo uu ALLE caafimaad uga baryay hooyada qoyskan oo daadka laga soo reebay, isla markaana habeen hore koomo ku jirtay iyadoo uu ballan qaaday in dawaynteedana xil gaar ah qaranku iska saari doono.
Madaxweyne Muuse oo halkii daadku ku qaaday qoyska kula hadlayay aabbaha qoyska daadku qaaday, ayaa yidhi “wixii qadar ILLAAHAY keeno waa qadar ILLAAHAY uun, ka maqan geeri iyo nolol gurmad waynu wada geli, wixii dhibaato iyo masiibo dhacdayna waa lagula wadaagi oo qarankaagii baa kula jooga, markuu gurmadku wada yimaado calool adayg uun baa loo baahan yahay iyo Samir, iyo tallo danbe oo wixii noocan oo kale ahna qaran ahaan looga wada tashado, haddii alle yidhaahdo, waan kaa tacsiyadaynayaa ka dhintay, ka maqana waanu kula gurmanaynaa, masiibadana waanu kula qaybsanaynaa, dad badan ayey caawa dhibaato gaadhay, waana ka wada hawl-gelaynaa, Ilaahayna waxa aan kaaga baryeynaa in ka dhintayna halkiisa cawil khayr qaba uu kuu geliyo, gabadhana Alle ha caafiyo, adigana ALLE ha kaa Samirsiiyo oo qalbiga ha ku adkeeyo, samirkana badi dhamaanteenba waynu wada xukummanahay ”
Axmed Qorane oo Madaxweynaha faah faahin ka siiyay sida wax u dheceen ayaa yidhi, “markay telefoonka igu soo dhufatay ee ay alla hoogayey tidhi een soo cararay ee aan meel alle meel aan u maro waayey ee dooxii iga dheeraaday ayaan anna dib isaga noqday, ka dib sandaqadii ayuu laba u kala gooyeen biyihii dooxu, waxa dhacday in xitaa ummaddii badbaadin kari wayday caruurtii”
Goobtaasi oo ay soo degeen laba maalmood ka hor uun ayuu sheegay aabbo Axmed Qorane in laga kireeyey waxaana meesha keenay aqoon la’aan ayuu yidhi, isaga oo madaxweynaha u sharxaya sida ay wax u dhaceen. “Inan maydkiisa lama hayo, hooyadii iyo isaga inta uu wada qaatay daadkii ayuu xanjeerkii ay ku xidhnayd ee ay ku xambaarsanayd ka furteen biyihii, iyadiina koomay ku jirtaa oo waa la helay, innana imikaa maydkeedii la helay, meeshuna waa halkaa dooxa badhtankiisa”.
Hooyadan daadku qaaday ayaa xambaarsanayd wiil yar, sidoo kalena ay wehelinaysay gabadh yar oo ay dhashay, kuwaas gebi ahaanba daadku la tegay, markii uu daadku soo gaadhay guri jiingad ahaa oo ay laba maalmood ka hor uun kiraysteen kuna dhexyaalay dhaamka Qudhac-dheer, inkasta oo markii hore labada carruurta ah mid ahaan la waayay shalay ayaa la soo helay meydka ilmihii labaad. Hooyadiina waxaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Manhal oo shalay gelinkii dambe loo qaaday ka dib markii ay habeen iyo maalin ku jirtay Cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Dawannews Hargeysa office