California (Dawan):- Mrs. Bridget Coggins oo ah khabiir ku takhasustay siyaadda caalamka iyo ammaanka una dhalatay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qaaday tallaabooyinka muhiimad weyn u leh madax-bannaanideeda, kuwaas oo la mid ah qorshe uu hore ugu talaabsatay dalka Taiwan.
Guulaha siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa khabiir Bridget Coggins barbar dhigay tallaabooyin siyaasadeed oo ay hore u qaaday xukuumadda dalka Taiwan, kaas oo ay halku dhig uga dhigtay “Kaluumaysiga Madaxbanaanida.”
Mrs. Coggins waxay sidaasi ku sheegtay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan Bahda wargeyska Dawan Media Group, waxaanay tilmaantay in faragelin dibadeed ay saamayn ku leedahay helitaanka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Mrs. Bridget Coggins oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay waxyaabaha hortaagan in ay Somaliland caalamka ka hesho ictiraaf buuxa, maadaama oo ay buuxisay dhammaan shuduudahii ka horeeya aqoonsiga, waxay tidhi “Sida bulshada Somaliland ogtahay, wadammada sida Maraykanka iyo Ingiriisku waxay shaaciyeen in aanay aqoonsan doonin Somaliland ilaa wadamada jaararka ee Afrika aqoonsadaan. Sababta oo ah taasi macquul uma dhowa, ama ugu yaraan way adkayd wakhtigii hore, taasi waxay inoo caddaynaysaa in xoogag dibadeed ay go’aaminayaan qadiyada madaxbanaanida Somaliland.
Laakiin, waxaan aaminsanahay, inay sababo kale jiraan. Dadka qaar ayaa werwer ka qaba saamayn madaxbannaanida Somaliland ku yeelato. Sababta oo ah Somaliland wakhtigan waa meel xasiloon oo nabadgelyo ah, qaar ayaa ka werwersan in aqoonsi ay hesho uu xaaladda dhinaca xun u bedelo.”
Bridget oo wax laga waydiiyay dedaalada Somaliland ay keligeed ku soo gaadhay heerkan, iyada oo aan ku tiirsanayn qaadhaan diabadeed in uu qayb ka yahay caqabad hortaagan aqoonsigeeda, ayaa ku jawaabtay, “Waan garowsanahay in Somaliland heerkan ku soo gaadhay isku-tashigeeda, iyagoon ku tiirsanayn Qaadhaan dibadeed. Laakiin nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland wakhtigan, ma taageerayso xiisaha dibada. Nasiib-daro, mashaqada iyo xaaladaha degdega ah ayaa dareenka soo jiita. Marakyanka odhaah ayaa jirta tidhaahda “shaagaga ciladaysan ayaa hela dufanka oo dhan” sidaa ayey siyaasada caalamku u shaqeysaa, mar walba-na xalku sidaa mahaa.”
“Waan ammaanayaa talaabooyinka ay dhowaan Somaliland qaaday, waxaanan u arkaa inay la mid yihiin qorshe ay hore ugu tallaabsatay dawlada Taiwan ee “Kaluumaysiga Madaxbanaanida” sida caasimada Beijing ugu yeedhay,” ayay tihdi Mrs. Coggins, waxaanay intaasi raacisay “Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka ee la xidhiidha dekedaha, saldhigyada, horumarinta kaabayaasha kale, ama abuuritaanka xidhiidh ganacsi, fududeynta isu-socodka, dhamaan tallaabooyinkaasi waxay u dhigayaan Somaliland dal caadi ah, oo wax walba haysta, keliya magacii aqoonsigu maqan yahay. Hadii wadammo door ah, gaar ahaan kuwa Gobolku, sidaa ula macaamilaan Somaliland, horumarku wuu sii kordhayaa, waxaanay keenaysaa in quwadaha aduunku daba-galaan dariiqaa xilligan halkii ay hogaamin lahaayeen.”
Dawannews Hargeysa office