Waxbarashada Dalka oo Loo Jaangooyay Jid Soo Saari kara Arday ka Dhisan Diin, Maadi iyo Xirfadba

0
318

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda wasaaradda waxbarasahda iyo Sayniska Somaliland, ayaa jaan goysay jid lagu soo saari karo arday aqoon diin iyo mid maadi ba ka dhisan oo ah tacliinta ay u baahan tahay Somaliland ee wax ka taraysa baahiyaha aqooneed ee dalku u baahan yahay oo ay ka mid tahay in dalka laga dhigo Manhajka qaranka oo keliya, isla markaana dugsiyada dawladda aanu ku koobnaan manhajka qaranka. laakiin dhammaan dugsiyada waxbarasho ee dalka oo dhan mid dawli ah iyo mid gaar looleeyahayba ay waajib ku tahay tacliinta ay bixinayaan in ay ahaato manhajka qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi kooban khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan, ayaa intaa ku daray in dawladdu ay ku daba gelayso dhammaan goobaha waxbarashadu in ay fuliyaan go’aanka dawladda ee wasaaraddu ka soo saartay in dalka aan lagu dhigi karin manhaj ka duwan ka dalku leeyahay oo uu sheegay in la isla qaatay.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay jiraan dhawr iskuul oo ajaanib leeyahay oo dalka ka furan, isla markaana manhajyo kale lagu dhigto, kuwaas oo uu sheegay in iyaga laftoodu ay amar ku qabaan ardayda Somaliland ee dhigata in aanay manhaj aan ka Somaliland ahayn aanay u dhigi karon.

Wasiir Faratoon oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Somaliland waa qaran leh hannaan waxbarasho oo ku qotoma manhajkiisa qaran, cid ka baydhi kartaana ma jirto. isguulada dawladda oo keliyana ku koobnaan maayo dhigashada manhajka qaranku. laakiin waxa lagu dhiganayaa dhammaan goobaha waxbarashada, waana la isla qaatay. waxa keliya ee dhimani waa ku daba galkooda, taana waanu ku daba gelaynaa. isguul wax u dhiga arday Somaliland u dhalatay oo manhaj uu meel kale kala yimi dhigi karaana ma jiro. Waxa dalka ka furan dhawr isguul oo ajaanib leeyahay oo manhajyo dalalkoodu leeyihiin lagu dhigto, laakiin kuwaana waannu u sheegnay oo amarka way qabaan, wixii arday reer Somaliland ah ee isguuladaa ajaanibka dhigatana waxa keliya ee loo dhigi karaa waa manhajka qaranka, waxaanan ognahay in aanay ummadina meel gaadhi karin haddii aanay dhiganin oo aanay baranin manhaj iyo tacliin iyada u gaar ah oo ay qaran ahaan leedahay, markaa Somaliland ardaygeedu wuxuu dhiganayaa manhajka qarankiisa oo qudha.”

Wasiirka oo ka hadlayay farsamadda gacanta iyo qorshaha uga meel yaalla ka wasaarad ahaan, waxa uu yidhi “Farsamada gacantu waa halbawlaha tacliinta horumarka adduunka sababta u ah, waxaana noo qorshaysan in Somaliland loo soo saaro arday xirfadleyaal ah oo ka dhisan dhanka aqoonta farsamada gacanta iyo ta maadiga ah ba.”

Wsiirka oo la waydiiyay siyaasadda ay ku dhaqayaan madaariista Islaamiga ah ayaa ku jawaabay “Horta Diintu waxay ka mid tahay manhajka qaranka oo waa lama taabtaan. madaariista Islaamiga ahina waxay dhigaan waa Manhajka dalka. Inta Islaamiga ah laakiin haddii ay sii kordhiyaan oo ay kor u qaadaan aqoonta diinta oo ay ardayda diin ahaan u dhisaan waannu soo dhawaynaynaa, waanan la shaqaynaynaa, mana jiri karto in dalka fikrado qaloocinaya diinta Islaamka laga dhigi karo oo la bari karo ardayda Somaliland.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply