Nuxurka Kulan Dhex-maray Guddoomiyaha Baanka iyo Gudida Dhaqaalaha Wakiiladda

0
285

Hargaysa(Dawan):- Gudida Dhaqaalaha Golaha wakiiladda Somaliland ayaa warbixin ka dhegaysta guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland kana xog waraystay shaqada uu qaranka u hayo iyo tallaabooyinka uu qaadayo.

Kulankan oo ahaa mid dastuuri ah oo gudida dhaqaalaha  golaha waliiladu ay awood sharci u leeyihin in ay la kulmaan Guddoomiyaha baankadhexe intaan la ansixin ayay godobo badan oo shaqada baanka ah kaga wada hadleen isla markaana wax iskaga waydiiyeen xaaladda qiimaha sarrifka lacagaha qalaad iyo sidii wax looga qaban lahaa

Guddoomiyaha guddi hoosaadka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Cumar Axmed Saleebaan Cumar Sanweyne iyo   Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi,ayaa markii kulankaasi u soo dhamaaday warbaahinta uga warramay kulanka ay wada yeesheen iyo qodobada  lagaga wada hadlay.

Guddoomiye xildhibaan Cumar Sanweyne,ayaa yidhi . “Waxaanu  maanta (shalay) kulan la yeelanay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo dhawaan loo magacaabay xilkaas,waxaana dastuurku qorayaa in la ansixiyo masuuliyiinka xukuumadda ka mid ah iyo golaha wasiirada,”.

Guddoomiyaha baanka Baqdaadi,ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid dastuuri ah oo gudda dhaqaaluhu ay la yeeshaan Guddoomiyaha baanka dhexe intaan  la ansixinin “Waxa maanta (shalay) aanu u nimi   oonu kulan la qaadanay  gudida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland  waxyaabo badan ayaan iswaydiinay oo aanu ka wada hadalnay  waana qodob dastuuriya in guddoomiyaha baanka ay xogwaraystaan gudida dhaqaalaha inta aan la ansixin  wixii su,aalo ah  ee ay I waydiiyeenna waan uga jawaabay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply