Wasiirka Maaliyada oo Iska Difaacay Eedaymo loo Jeediyey

0
273

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa iska fogeeyey warar  maalmihii u danbeeyey ay qorayeen warbaahinta maxaliga ah iyo barkulanka arrimaha bulshada, waxaanu ku tilmaamay warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu sheegay in wararkaasi been abuurka ah ay sameeyeen dad ujeedo gaar ah ka leh, oo doonayo in ay iska hor-keenaan bulshada, waxaanu sheegay in aanay marnaba isaga suuro gal ka ahayn in uu hadal gef ah ku yidhaahdo bulshada gobolada bariga dalka, oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dadka ugu sharafta badan Somaliland.

Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Warkaasi waxa uu ahaa war been ah oo been abuur ah oo ka dhashay cajelada laysku kabkabay oo inba meel laga soo gooyey taas oo u jeedooyin kale duwan iyo weedho kala duwan looga jeeday , anigu ka qof ahaan sinaba suura gal uma aha in dadka ugu sharafta badan Jamhuuriyadda Somaliland ee ku nool deegaanada Buhoodle, Laasacanood, Ceerigaabo iyo Burco in aan ku idhaahdo wax af-lagaado ah ama xumaan u eeg.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan gobolada Laascaanood, Buuhoodle iyo Ceerigaabo ay yihiin dadka ugu muda qaranka Somaliland oo lagu yaqaano wanaag iyo samo, isla markaana leh taariikh ku suntan Diinteena Islaamka, waxaanu yidhi “Dadkaasi waa dadka aan ugu jeclahay waa dadka ugu mudan qaranka oo wanaag iyo samo saaxiib u ah, islamarkaana leh taariikh ku suntan diinta Islaamka.”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Hadalkaygu waxa uu ku saabsanaa goobo kala duwan iyo marxalado kala duwan iyo ujeedoyin kala duwan oo ku socday gobolada Saaxil iyo Togdheer, islamarkaana aan la hadlaayey shaqaalahayga, marna waxa aan ka hadlaayey bacihii sharci darrada ahaa ee aan gubnay, hadaladaa ayaa laysku keenay, kootarabaankuna dalka oo dhan meel kasta wuu ka soo galaa, dad kala duwan ayaa soo geliya, mid waliba halkii lagu qabto uun baa lagu qabtaa, gobol gaar u ah inuu kotaraaban iyo xumaan ka shaqeeyaa ma jiro,  arrinta iyo ujeedadku sidaa ayey ahayd, sidii si aan ahayn ayaana loo duway.”

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa wasiirka maaliyada ku tilmaamay masuul horumar ballaadhan ka wada gobolada dalka, waxaanu yidhi “Waxaan qabaa waa nin u helaan deegaanka inuu wax u qabto oo wax u taro hadday shaqaale tahay, hadday mashaariic horumarineed tahay, xaq baad noogu leedihii deegaanka anaga ayaa joogeen in aad na waydiisaan war waxaasi ma run baa intaanu qof kastaa iska kicin oo wuxuu doono iska odhan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply