Xukumadda oo Shaacisay Aas Qaran Loo Samaynaayo Marxuun (Cali Sanyare)

0
278

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Saleeban Cali Koore oo ka mid ah guddida qabanqaabda aas qaran oo loo samaynayo Marxuum Cali Ibraahin Maxamed (Sanyare) ayaa shaaciyay xiliga la aasayo marxuumka. Waxaanu ka waramay doorkii uu kulahaa dhisamah qaranka iyo taabagalka horumarka  Marxuun Cali Sanyare oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Sidana waxaa lagu sheegay shir Jaraa’id ay qabteen Guddiga Qabaqaabada Aaska Qaran Alle haw naxariistee Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), waxaanay sheegeen in aasku dhacayo maalinta Salaasada  08/05/2018 hadii alle idmo laguna aasi doono magaalada Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta Maxamed Muuse Abees oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Marxuun Cali Sanyare oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo Jinasadiisa la keeno doono salaasada magaalada hargeysa oo aanu dadweynaha sharafta mudan ugu baaqayno in ay u diyaar garooban 7:00 Am , marxuumka oo ahaa nin weyn oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka baxay “

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Saleeban Cali Koore  ayaa sheegay in Marxuunka lagu aasayo Deegaanka Too nee Degamada Sallaxlay “ 9:30 aroornimo waxaa lagu aasi doona degmada Toon ee gobolka Maroodi jeex  dhammaan dawladda , Xisbiyada mucaaradka ah , dadweynaha , aqoonyahanka, Culimada  iyo dadkii uu asaxaabta dhaw la ahaa waxa aanu ka codsanaynaa in aaska si mug leh looga soo qayb galo  waxaana loo samayn doona insha alla Aas qaran oo loo wada dhan yahay “ ayuu yidhi.

Ilaahay ha u naxariisstee Marxuumku wuxuu baal dahab ah kaga suntan yahay taariikhda Somaliland waxaanu ahaa halyeygii suurta galeyey waxqabadka ay hay’addaha caalamku ka sameeyey Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply