Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa furay kulan lagaga hadlayay barnaamijka shaqo-abuurka dhalinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankani oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada ayaa waxa ka soo qayb galay, hay’addaha daneeyayaasha shaqo abuurka madaxa banaan ee Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha qoyska mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo isagu daah-furay kulankani ayaa sheegay in ay wadaan shirweyne qaran oo lagaga tashanayo shaqo abuurista dhalinyaradda waxaanu yidhi “Kulankan aan isugu nimid waxaa uu daarran yahay, shaqo abuurista qaranka Somaliland, maadaama dawladu sameysay qorshihii qarankani ku shaqeynayay, waxaa aanu daliil u aragnay inaanu u yeedhno, qaybaha hay’addaha kala duwan ee inagala shaqeeya barnaamijka shaqa abuurkaa, inaanu ogaano maxaad qabataan maxaad ka shaqeysaan maxaa noo qorshe ah maxaynu khibrad kala heli karnaa, dhankee ayaynu culeyska saareynaa, sideebaynu shaqada u wada qabaneynaa, sidee barnaamijka shaqa abuurka isugu duba-ridaynaa islamarkaana waxaa noo qorshaysan inaanu shirweyn oo qaran oo lagaga hadlayo barnaamijka shaqo abuurkaa aynu qabano, oo kanina u yahay hor dhac, waxaynu leenahay sidaynu shaqooyinka wadankeena ka jira aynu u sii dhiirigalinaa, sideebaynu shaqa abuur u shaqeynaa,su’aasha ina hortaala waxaa ay tahay ma shaqaala la’aanba jirta mise shaqo la’aanba jirta waxaynu u baahanahay inaynu dhalinyaradeena iyo bulshadeena aynu ku dhiirgalino waala shaqeyn karaa oo shaqaduna tay uun in la xidho maahe ee boqol nooc oo shaqo ah ayaa jiraa, waxanan aaminsahay dadkeenu nooca shaqo ee ay doonayaan inaanay heyn ee shaqo wey jirtaa”
Gudoomiyaha dalada dhalinyaradda Somaliland ee Sonyo Cabdikariin Siciid Saalax oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay ganacsatadu ka gaabisay dadaalka loogu jiro shaqo abuurista dhalinyarada waxaanu yidhi “Farxad ayay noo tahay inaanu ka soo qayb galo shirkan lagula kulmayo daneeyayaasha shaqo abuurkaa, shirarka noocan ahina waxaa ay inaga caawinayaan in la ogaado qof waliba shaqada uu qabto, waxaa la kala baranayaa maxaa guuleystay maxaa guul dareystay, waxaanu u aragnaa shaqo abuurka iyo shaqo-gelinta dhalinyaradu inay tahay ahmiyad qarankani leeyahay, waxaanay u baahan tahay in xooga leysugu wada geeyo,doorka shaqo-gelinta waxaa ka maqan ganacsatada, daarahaa dhaadheer la dhex fadhiyimaayo hadaan dhalinyarada shaqo abuur loo sameynin, abniguna sidan ahaamayo”
“Waa in leysla jaanqaado hal meela loo wada jeesto, mihiimkuna waxaa uu yahay in aynu ogaano talaabada aynu ka wada shaqeynaynaa waa noocma, intee in le’eg ayay shaqeynayaan immisa qof ayaa loo baahan yahay in shaqo abuur loo sameeyo, ta aynu isugu nimid waxa ay tahay cid waliba mashaariicda ay ka shaqeyso, meelaha ay doonayaan inay shaqo ka abuuraan, intaasi marka aynu isla garano ee ayaynu ogaan karaa sanadkan amase sanadaha danbe soo socda inta shaqo ee aynu abuuri karnaa waa ayno hadii aynu taasi war fiicanbaynu haynaa”Ayuu yidhi agaasimaha waaxda shaqo-abuurista dhalinyarada mudane Cabdilqaadir Cige.
Dawannews Hargeysa office