Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda horumarinta maal-gashiga Somaliland ayaa si rasni ah u shaacisay ay dalka ka qabanayso kulan ku saabsan maal-gashatada waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ba, kulankaasi oo ay wasaaraddu xog waraysi kula yeelanayso maalgashadayaasha danaynaya in ay dalka maal-gashadaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta maal-gashiga Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ah u shaaciyay qabashada kulankaasi, waxaanu ugu baaqay shirkadaha maal-gashi in ay ka soo qayb galaan kulankaasi.
Agaasimaha guud oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadda cusub iyo masuuliyadda uu madaxweynaha Somaliland noo diray, qorshayaasha wasaaradda ee sannadkan waxaa noogu jiray in aanu kulan la yeelano shirkadaha maalgashiga, markaa waxaan halkan farriin uga dirayaa dhamaan maalgashadayaasha kuwa maxaliga ah iyo caalamiga ah ee dalkeena ka hawl gala in ay noogu yimaadaan kulankaas wasaaradda.”
Mudane Axmed Abokor Maxamed oo ka hadlayay ujeedada kulankan iyo waxyaabaha lagu gorfayn doono, waxa uu yidhi “Kulankan waxyaabaha lagaga hadli doono waxaa ka mid ah, horta waa shir wada tashi oo ka dhaxaynaya wasaaradda iyo maalgashadayaasha dalka. Markaa waxaanu is waydiin doonaa, halka ay shaqadoodu ma rayso iyo hawlaha maalgashi ee ay dalka ka wadaan, caqabadaha haysta ee ka horyimaada, si aanu ka wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaan ba aanu u eegno qaabka aanu ula xallin karno.”
Agaasimaha guud waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxyaabaha kale ee aanu eegi doono waxaa ka mid ah dhaqaalaha ay dalka geliyeen, sababta oo ah maalgashade kastaaba marka uu ruqsada qaadanayo waxa uu qoraa dhaqaalaha ay dalka gelinayaan, tirada shaqaalaha ay shaqaalaysiiyeen ee ka faa’iidaystay mashaariicdaa maalgashi ama ganacsi ee dalka ka socda.”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta maal-gashiga Somaliland Axmed Abokor Maxamed, sidoo kale waxa uu shaaciyay wakhtiga uu qabsoomayo kulankan ay ku dhawaaqday wasaaraddu waxaanu yidhi “Ugu dambayn wakhtiga shirku dhacayo ee la isugu imanayo waxa weeye maalinta Axadda ah, 13-ka bishan May, 2018, 10-ka subaxnimo waxaanu ka dhici doonaa hoolka shirarka ee wasaaradda maalgashiga Somaliland.”
Mudane Axmed Abokor Maxamed, dhinaca kale waxa uu farriin iyo digniin u diray qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka, waxaanu yidhi “Waxa jira ruqsad ay wasaaraddu siiso maalgashadayaasha, markaa ciddii ay ruqsadaasi ka dhacday waxaan ugu baaqayaa in ay dib u cusboonaysiistaan oo ay wasaaradda yimaadaan, waana waxyaabaha kulankaas lagaga hadli doono. Waxa kale oo jira maadaama oo ay wasaaraddu tahay wasaarad cusub oo dib loo soo saaray waxaa la dardar gelin doonaa hawlaha kormeerka, markaa hawl-wadeenada loo qaabilsan ee waaxda kormeerka ka tirsan waxay samayn doonaan in koox la diro oo ay booqdaan goobaha ay mashaariicdu ka socoto, ama warshad ha noqoto ama mashruuc kale ha noqoto oo la eego qaabka ay u shaqaynayaan iyo in ay ka baydheen tubtii loo jeexay.”
Dawannews Hargeysa office