Madaxweyne Muuse oo Ardayda Jaamacadda Hargeysa Faray in ay ka Qayb Qaataan Gurmadka Samato Bixinta

0
336

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa faray ardayda Jaamacadda Hargeysa in ay u diyaar garoobaan gurmadka Samato Bixinta dadka ku tabaaloobay roobabkii dabaylaha watay eek u dhuftay gobolada halbeedka Somaliland.

Madaxweyne Muuse oo kormeer kedis ah klu tegay shalay Jaamacadda Hargeysa ayaa maamulka guud ee Jaamacadda iyo ardayda kulliyaha kala duwan ee Jaamacadda waxaa uu ug warramay masiibada ku habsatay deegaanada galbeed ee dalka gaar ahaan xeebaha Selal iyo Awdal iyo baaxadda qasaaraha soo gaadhay qaranku inta uu leegyahay.

Waxaa kale oo uu u soo jeediyay ardayda Jaamacadda Hargeysa in ay qayb ka noqdaan gurmadka samato bixinta qaran ee loogu gurmanayo dadkaa roobabkaa dabaylaha watay ku dhufteen.

Waxaa kale oo Madaxweynaha qaranku uu ka dhegaystay warbixinno maamulka guud ee Jaamaacadda oo uga warramay waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay xilligan taagan yihiin.

Intaa ka dibna Madaxweyne Muuse waxaa uu ku boorriyay in ay qaybtooda ka qaataan samto bixinta dadkeena daadadka iyo duufaantii roobabka ku tabaaloobay., “Maanta dabayl baa ku dhufatay gobollada waqooyiga Awdal, in ka badan 16,000 (lix iyo toban kun) oo qoys, ugu yaraan lix boqol oo kun oo qof iyo in ka baddan, ayaa xoolo waayey oo guryo waayey saacado gudahood, dadkaasi gurmad bay u baahan yihiin, gurmadka iyo xooggana waxa abuura dhaqaalaha, dhaqaalaha laftiisana waxa abuuri kara dad aqoontiisa bartay, sidiina oo kale, markaa inaad masuuliyaddaa u diyaar garowdaan oo aad noqotaan dad dalkan dhibaatooyinka uu ku jiro ka saara, ayaa la idinka rabaa.”

Ujeeddada uu madaxweynuhu ugu tegay Ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayuu sidoo kale warbixin kooban ka bixiyey, waxaanu tilmaamay in xoogga bahda waxbarashada Jaamacadda Hargeysa yahay mid lagu xisaabtamayo marka ay masiibooyinka noocan ahi dalka ku habsadaan, “Saaka(shalay) waxaan idiin soo maray gurmad baan ahaa, gobolka Awdal iyo xeebihii oo dhan waxa ka dhacday dhibaato weyn, ugu yaraan ilaa 600,000 (lix boqol oo kun) oo qof ayaan xoolona haynin, gurina haynin, dhawr iyo soddon dhimashadooda waa la hubaa, 9-qofna waa la la’yahay, dabayshii dhacdayna illaa awrtii Rarayda ahayd ee ugu adkayd bay laysay.Jaamiciyiintana waxa loogu warramayaa idinkaa xil-kas ah.dhibaatooyinkeenuna way badan yihiine haddii la idiin baahdo waxad tihiin xoog dalka ka jira.”

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu dhiirigelin iyo guubaano u jeediyey ardaydii ku sugnayd fasalada jaamacada Hargeysa isagoo maamulka kaamacadana ku ammaanay hawsha baaxada leh ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply