Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Crro, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaadho dadka ku tabaaloobay duufaanta ku dhufatay gobolada galbeed Somaliland, si loo badbaadiyo noloshooda.
Guddoomiye Cirro oo ka qayb galay shir caalami ah oo lagu qabtay dalka Belgium oo lagaga hadlayay amniga qaaradaha Yurub iyo Afrika oo madax badan oo labada qaaradood ahi ay ka qayb galeen, waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay sida ay Somaliland uga shaqayso nabada qaaradda Afrika iyo sida caalamku uga aamusay ee uu ugu quudhi waayay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo wax badan qabsatay.
“Waxanu Maanta ka qeyb galney shir heer calaamiya oo ey soo qaban qaabisey dowladda Belgium, gaar ahaan wasaradda Arimaha Dibadda. shirkan ayaa waxa hogaaminayay madaxweynaha Ururka Midowga Africa H.E. Mousa Faki Mahamet iyo Raysal-wasaare ku xigeenka dowladda Ahna wasiirka Arrimaha dibedda dowladda Belgium H.E. Mr Didier Reynders. waxa Isna ku wehelinayey oo Shirka la daadihinayay. Maamulaha xarunta European Union External action Service. H.E koen Vervaek. waxaanan madaxda shirkaa ka qayb gashay aanu uga warranay sida ay Somaliland uga shaqayso nabad gelyada qaaradda Afrika iyo siday wax u qabsatay iyadoo aan cidna gacan ka helin, waxaa kale oo aanu beesha caalamka ka codsanay in gurmad deg deg ah lala soo gaadho dadka gobolada galbeedka Somaliland ee duufaantu ku dhufatay oo xaalad adag ku sugan,waxaa kale oo aanu u sheegnay in Somaliland ay xaq u leedahay in la aqoonsado ”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Dawannews Hargeysa office