Ciidamo ka soo Goostay Maleeshiyada Puntland oo isu soo Dhiibay Somaliland

0
277

Taleex (Dawan) Ciidamo tiradoodu dhan tahay 118 askari ayaa ka soo goostay ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasi oo isu soo dhiibay ciidamada qaranka Somaliland ee jiida degmada Taleex ee gobolka Xaysimo.

Ciidamadan ayaa shalay soo gaadhay fadhiisinka ciidamada qaranka Somaliland ay ku leeyihiin degmada Taleex ee gobolka Xaysimo. Waxaana ciidankan si weyn ugu soo dhaweeyay goobtaasi saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Somaliland, waxaanay madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka qarankana ugu baaqeey in la qarameeyo ciidamadani.

Taliyahan ciidamadan soo goostay Cabdi Yuusuf Siigaale ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta wakhtigan keentay inay soo goostaan, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu mahad celinaynaa, waanan fileynay in sidan na loo soo dhaweeyo oo si weyn na loo qaabilo, mid aanu fileynay ayay aheyd, sababta keentay inaanu ka soo baxno jiidi aanu ku jirnay ee God-qaboobe, ee ay isugu yimaadeen beelaha Majeerteen, kadib markii aanu tashi la sameynay saraakiishayada, odayaashii deegaankayaga, madaxda dawlada dhexe noogu jirta, guryahagii iyo jiidayadii ayaanu joognaa, iyada ayaanu ku ciidamoobeynaa oo aanu ciidan ku noqoneynaa, maadaama anagu aanu fuliney waajibaadkii nalaga rebay oo aanu nimid, tirada aanu ku soo goosaney ee aanu jiida kaga soo baxnay waa boqol iyo siddeed iyo toban askari, ciidanku waa kala maqan yahay oo hal gaadhi uun baanu soo kaxeysaney sidaasi ayaanu ku nimi xarunteeni Taleex, ciidankayagii kalena waxa uu ku maqan yahay fadhiisinkii markii hore jiida aanu ka soo galnay, maadaama aanu ciidankayagii iyo dawladayadii ku soo biirnay, waxaanu u baahannahay waxqabad buuxa, waxaanu u baahanahay gacan qabasho buuxda.”

Sidoo kale waxa goobtaasi ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada fadhigoodu yahay degmada Taleex, waxaanay yidhaaheen “Gadiidkii ayaa dhiidhiga ka galay, kuwo danbena waanu sugeynaa inay na soo gaadhan. taliyaha ciidamada qaranka Nuux Ismaaciil Taani waxaanu ka codsaneynaa in uu ciidamadan soo dhaweeyo oo qarameeyo, anaguna si wacan ayaanu u soo dhawaynay, wadankuna waa wadan Somaliland ah, waxaanu uga digeynaa in ay Puntland wadanka ay dibin-daabyada ka deyso”

“Waxaanu leenahay ciidanka soo dhawaada, marka koobaadna waxaanu ciidanka salaam sharaf ugu gudbineynaa madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, marka labaadna waxaanu salaam sharaf ugu gudbineynaa taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Jeneral Nuux Ismaaciil Taani, marka saddexaadna waxaanu ciidanka salaan sharaf ugu gudbineynaa saraakiisha ciidamada ee sida jaran jarada ah u kala sareeya ee ciidamada qaranka. ciidankana waxaanu leenahay soo dhawaada, ciidankayaga iyo saraakiisha iyo maamulkana ha loo dadaalo oo ciidankan waajibkiisa hala mariyo” ayuu yidhi mid ka mida saraakiisha ciidamada qaranka Somaliland oo ka mid ahaa saraakiishi soo dhaweysay ciidamadan ka soo goostay maleeshiyaadka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply