“Haddii Gardarada iyo Duulaanka Nalaga Dayn Waayo Halka Laga Soo Duulayo ayuu Dagaalku u Wareegi-doonaa”

0
283

Agaamisaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cali Maxamed Cali(Cali Caliyow ) oo ka mid ah wefti heer qaran ah oo kormeer ku tegay jiidda hore ee ciidanka qaranka Somaliland ee dorraad duulaanka gardarada ah ay ku soo qaaday dawladda Soomaaliya,ayaa ciidanka qarankaku hambalyeeyay guusha ay ka gaadheen duulaankii cadawga Somaliland ay ku soo qaadeen.

Waxaa kale oo uu intaa ku datay in Somaliland ay mar kasta diyaar u tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo deris wanaagga isla markaana aanay cidna duullaaan aanay ku ahayn.

Waxaanu intaa ku daray in aanay u dul qaadan doonin weerarada gardarada ah ee Soomaaliya bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku soo qaadayso Somaliland oo lagu doonayo in lagu hakiyo barnaamijyada horumarineed ee ka socda deegaanada xuduudka Somaliland ee ay la wadaagto Soomaaliya iyo waxqabadka bulshada dawladdoodu u qabanayso.

Waxaanu caddeeyay haddii maamulka Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka waantoobi waayaan duullaanka iyo gardada ay Somaliland ku soo weerayaan in aanay Somaliland difaac ku jirayn ee dagaalku uu u wareegi doono deegaanada laga soo duulayo.

“Marka hore waxaan ciidanka qaranka ku hambalyaynayaa guusha ay gaadheen waxaanan umadda u sheegayaa in ciidanka qaranka Somaliland uu ku sugan yahay fadhiisimadiisii,waxaynu ku jirnaa bil Ramadaan cidna Somaliland duullaan kuma aha cidna may weerarin cidna cawad kuma aha waxay u taagan tahay in ay dhammaan dalalka ay deris-wadaagga yihiin in ay nabad kula noolaato laakiin dicaafa qaranka cidna uga habran maynu waana nagu waajib halkan(jiidda hore) waxaa jooga ciidankii qaranka Somaliland oo aan ahayn ciidan qabiil iyo beel beel lagu soo uruuriyay ama ciidan beeleed reero leeyihiin laakiin ah ciidan qaran oo dalka Somaliland leeyahay oo u taagan difaaca qaranka isagoo aan cidna cadaw ku ahayn ayaa la soo weeraray waanu is difaacay waliba waxaa jabay ciidankii gardarada iyo duullaanka ahaa ee Somaliland ku soo duulay ciidanka qarankuna wuxuu difaacayaa dalkiisa.”

Agaasimaha guud oo ka hadlayay dagaalka gardarada ah ee Soomaaliya ku soo qaadday Somaliland waxaa uu yidhi. “Somaliland waa qaran maanta ciidanku halkiisii ayuu jooga oo uu difaac kaga jiraa laakiin haddii deegaanada aanu ka soo jeedno ee aanu qaranka ku metalayno horumarka loo diido oo qas iyo dagaal lala doonayo waxaan u sheegaynaa cidda soo duulaysa in aanaan difaac ku jirayn ee aanu ruqaansan doonno oo aanu cidda soo duulaysa halkooda dagaalku u wareegi doono.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply